Faransiiska oo lagu eedeeyay inuu xagal daacinayo dagaalka Ukraine

0
423

Haddii Faransiisku uu doonayo inuu Yurub ku hoggaamiyo isku tiirsanaan dhanka milateriga ah, maxaa keenay inay yaraato kaalmadiisa ku aaddan dagaalka Ukraine?

Waa su’aal ay isweydiinayaan qaar ka tirsan mufakiriinta ugu sarreeya dalkaas, kuwaas oo ku cadaadinaya Madaxweyne Emmanuel Macron inuu qaato go’aan degdeg ah oo uu hub dheeraad ah ugu dirayo Kyiv.

Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa muujinaysa in Faransiiska uu wax ka yar 2% ku leeyahay hubka dibedda uga imanaya Ukraine, halka Maraykanka uu dalkaas ku caawiyay 49% hubka dibedda uga yimaada.

“Waxaan ka walaacay sida ay sax u tahay xogta muujinaysa in Faransiiska uu kaalin hoose uga jiro dalalka kaalmada u fidiyay Ukraine, balse markii aan tegay Poland si aan u eego xaddiga hubka halkaa gaaray, waxaa ii caddaatay in Faransiiska uu ku jiro kaalinta 9-aad,” ayuu yiri François Heisbourg oo lagu tilmaamo inuu yahay khabiirka gaashaandhigga ee ugu galaangalka badan Faransiiska.

Xukuumadda Paris ayaa ku doodaysa in inkastoo xaddiga hubka ay siiso Ukraine uu kooban yahay, haddana ay jiraan qaabab kale oo ay dalkaas ku caawiso.

Mas’uuliyiinta gaashaandhigga ayaa sheegay in kaalmada milateri ee waxtarka leh ay tahay in lagu cabbiro tayada oo aan la eegin tirada. Waxa ay tilmaameen in dalalka qaar ay Ukraine siiyeen qalab xilli hore la sameeyay, halka Faransiisku uu dalkaas geeyay 18 madaafiicda goobta ah ee loo yaqaan Caesar, kuwaas oo guulo la taaban karo ka soo hoyay furimaha dagaalka.

Hubkaas uu Faransiiska siiyay Ukraine ayaa u dhigma 25% guud ahaan tirada uu ka haysto noocaas, haddii uu intaa ka badan bixiyana waxa ay caqabad ku tahay howlgallada kale ee uu ka wado gobollada Saaxil iyo Indo-Pacific.

“Waxay u muuqan kartaa in aan ka dambeyno dalalka kale, balse Faransiiska waxaa ka go’an inuu dowrkiisa qaato,” ayuu yiri Jeneraal Jérome Pellistrandi oo ah tifaftiraha wargeyska Difaaca Qaranka.

Heisbourg ayaa tilmaamay in dooddaas ay tahay mid loo qaateen ah, balse caqabaddu ay tahay in haddii Faransiisku uu ka muuqan waayo gudaha Ukraine, ay taasi horseedi doonto in uusan go’aan ku yeelan arrimaha muhiimka ah.

Doodda Heisbourg ayaa ah in Ukraine ay codsi u dirsato dalalka siin kara hubka ay u baahan tahay, Faransiiskuna aanu hadda ka mid ahayn dalalkaas.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Tuhunka Bariga Yurub

Durbadiiba dalal badan oo ku yaalla Bariga Yurub ayaa walaac ka muujiyay hab-dhaqanka Madaxweyne Macron, oo ay rumaysan yihiin inuu bilihii hore ee dagaalka u janjeeray dhanka hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin. Waxaa baahay feker ah in Faransiisku uu weli rumaysan yahay in Ukraine aanay guul ka gaari karin dagaalka.

Dr Pierre Haroche oo ah bare amniga caalamka ka dhiga jaamacadda Queen Mary ee London ayaa tilmaamay in fekerkaas uu yahay mid aan sax ahayn, isla markaana aan lagu saleyn karin sababta keentay in hub tiro yar uu Faransiisku siiyay Ukraine.

Hase yeeshee, waxa uu rumaysan yahay in Faransiiska looga baahan yahay inuu sida ugu dhaqsaha badan sare u qaado hubka uu siiyo Ukraine, si ay dowrkiisa u aaminaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub ee uu ku jiro Poland.

“Si aan uga shaqeysiino yoolka Yurub ee ku aaddan iskaashiga, waxaan u baahannahay in aan u muujino dalalka Bariga Yurub in la shaqeynta Faransiiska ay tahay mid muhiim ah oo aan khatar ku keeni doonin,” ayuu yiri Dr Haroche.

Wuxuu kula taliyay Faransiiska inuu dagaalka Ukraine u diro 50 taanki oo ah nooca Leclerc, halka Heisbourg uu doorbidayo hannaanka difaaca hawada oo uu sheegay in Ukraine ay baahi weyn u qabto

 

Leave a Reply