Saxaabadii Rasuulka(SCW) ee ka soo Jeeday Qaarada Afrika

0
773

Sida la wada ogyahay saxaabada Rasuulka (scw) badankoodu waxay ka soo jeedeen qabaal’ilada Carbeed, hase ahaatee waxa jiray saxaabo asalkoodu ahaa Afrikaan, Faarisiyiin, Yurubiyaan, Qibdiyiin iyo Kurdiyiinba. Waxaynu eegaynaa saxaabadii Afrikaanka ahaa ama diirkoodu madoobaa.

Bilaal binu Rawaaxa (Rc)

Wuxuu ahaa saxaabi goor hore islaamay oo dhib badan kala kulmay gaaladii reer Qureesheed gaar ahaan Umaya ibnu Khalaf oo uu adoon u ahaan jiray, kadibna waxa iibsaday Abubakar (Rc) oo ilaahay dartii u xoreeyay. Bilaal wuxuu ahaa nin madow oo asalkiisu yahay Afrikaan, waana mid ka mida saxaabada Jannada loogu bishaareeyay.

Mihajac Mawlihii Cumar binu Khadaab (Rc)

Mihjac wuxuu ahaa nin madow oo mowle u ahaa Rasuulka (scw), mawluhu waa qof adoon ahaan jiray oo la xoreeyay, waxa nabiga laga soo wariyay sida ku qoran Mustadraka Xaakim inuu yidhi: “Sadex ayaa ugu khayr badan dadka madow, waa Luqmaankii xikmada badnaa, Bilaal iyo Mihjac mawlihii Rasuulka”

Sidoo kale waxa la tilmaamay in Mijjac ahaa mawlihii Cumar binu Khadaab kaas oo ku shahiiday dagaalkii Badar. Culumadu waxay isku khilaafeen inay jireen laba Mihjac iyo inuu hal nin un uu ahaa.

Miqdaad binu Aswad (Rc)

Saxaabigan waa ninkii kaliya ee fuushanaa faraska maalintii Badar, waana mid ka mid ah saxaabadii ugu hor islaamay. Waxa Imaamu Dahabi ku sheegay kitaabkiisa Siyar Aclaami Annubalaa in Miqdaad ahaan jiray adoon madow.

Rabaax Mawlihii Rasuulka (Rc)

Rabaax oo ahaa ninkii ilaalin jiray Rasuulka sida ku soo aroortay kutubta saxeexa ah wuxuu ahaa nin madow oo Afrikaana.

Julaybiib (Rc)

Julaybiib wuxuu ahaa nin madow oo faqiira, isaga oo gabadh Mehersaday oo aan la aqal gelin ayuu ka qaybgalay dagaal, wuxuna dilay todoba ka mid ah gaaladii, isagiina waa la dilay. Rasuulkuna (scw) wuxuu yidhi: Julaybiib aniguu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday”.

Umu Ayma Barkah Alxabashiyyah (Rc)

Umu Ayman waa gabadhii nabiga soo korisay, waxayna ahayd gabadh ka soo jeeda dhulka Xabashida, waxa guursaday saxaabigii Sayid binu Xaarisa, waxayna u dhashay Usaama binu Sayid oo isaguna ahaa nin madow.

Waxshiyy (Rc)

Waxshiyy wuxuu ahaa ninkii dilay Xamse binu Cabdi Mudalib oo ahaa nabiga adeerkii iyo gaalkii la odhan jiray Musaylama Al-kaddaab. Wuxuu ahaan jiray adoon uu leeyahay Jubayr binu Mudcim kaas oo u ballan qaaday inuu xorayn doono hadii uu dilo Xamse binu Cabdi Mudalib.

Caamir binu Fahiira (Rc)

Waa mawlihii Abubakar, isagaana xoreeyay wuxuuna ka qayb qaatay hijradii Rasuulka (scw)  isaga qarin jiray ama baabin jiray raadkii Cabdilaahi binu Abubakar oo warka ka soo qaadi jiray reer Makkah oo goor habeenimo ah u warrami jiray Rasuulka iyo aabihii markii ay ku jireen godka. Alle haka raali ahaadee Caamir wuxuu ka qaybgalay dagaaladii Badar iyo Uxud, wuxuuna ku shahiiday shirqoolkii lagu laayay afartanka saxaabi ee Bi’ru Macuuna.

Umu Sufar (Rc)

Waa gabadh saxaabiyada oo ka soo jeeday qaarada Afrika, waxayna u timid rasuulka (scw) iyada oo ka cabanaysa cudurka suuxida, waxay rasuulka ka codsatay inuu u duceeyo oo Ilaahay ka dulqaado cudurkaas, kaas oo sababi jiray in cawradeedu kashifanto, kadibna Rasuulku (scw) wuxuu kala dooransiiyay inay ku samirto oo Jannada gasho iyo inuu u duceeyo oo ay cudurka Ilaahay ka dulqaado, waxay dooratay Jannada balse waxay codsatay in cawradeeda Ilaahay u asturo, nabiguna waa uduceeyay.

Umu Mixjan (Rc)

Waa haweenaydii madoobayd ee nadiifin jirtay masaajidka Rasuulka (scw), markii ay dhimatay goor habeena oo saxaabadii Rasuulku ay aaseen ayuu nabigu ogaaday dhimashadeeda, kadibna xabaasheedii ayuu ku tukaday.

Waliida (Rc)

Waa gabadh madoobayd oo Caasha (Rc) la joogi jirtay, taas oo ka sheekayn jirtay maalin mucjiso ah oo Ilaahay ka soo badbaadiyay qoom gaaleed.

Leave a Reply