Waa kuma Hoggaamiyaha Da’da yar ee afgambiga ku qabsaday Burkina Faso?

0
340

Hoggaamiyaha cusub ee ciidanka afgambiga ku qabsaday dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traore, wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha ugu da’da yar ee gobolka. Waa askari taliskii ka horreeyay ku dhaliilay “istraatiijiyad aan midho-dhal ahayn” inay ku wajaheen kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka iyo Al-Qaacidda.

Kabtan Traore wuxuu 30-kii Sebteembar talada ka tuuray korneyl Paul-Henri Damiba. Waa afgambigii labaad ee millateri ee sanadkan ka dhaca dalkaas, arrintaas oo sababi karta inuu gaabis noqdo isku-daygii lagu doonayay in talada dib loogu celiyo dadka rayidka ah.

Traore oo 34 jir ah wuxuu milateriga ku biiray sanadkii 2009, isagoo la soo shaqeeyay cutubyo kala duwan oo ka howlgalay bariga iyo waqooyiga Burkina Faso.

Wuxuu ka mid ahaa koox ciidamo ah oo Damiba ku taageeray afgambigii uu 24-kii Jannaayo xukunka kaga qabsaday madaxweynihii sida dimuqraaddiga ah loo doortay ee Roch Marc Kabore.

Si kastaba ha ahaatee, siddeed bilood kaddib, waxaa soo ifbaxay kala qeybsanaan ka dhex jirta Dhaqdhaqaaqa Waddniga ah ee Ilaalada iyo Dib-u-soo celinta (MPSR).

Qorsheyaal dhowr ah oo uu Korneyl Damiba isku dayay ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, kuwaas oo kala ahaa inuu abuuro maamul milateri oo kumeel-gaadh ah – taas oo ay ku jirtay dib isku shaandheyn uu ku sameeyay ciidanka difaaca – inuu guddoomiyeyaal gobol oo milateri ah u magacaabo deegaannada uu ka jiro qalalaasaha iyo inuu miisaan u yeelo howlgallada waqooyiga iyo bariga.

Howlahaas oo dhan ayaa fashilmay, iyadoo kooxaha hubeysan ay weerarro ku ekeeyeen dadka rayidka ah iyo ciidankaba.

Sida laga soo xigtay hay’adda ACLED ee daraaseysa xasaradaha hubeysan, Burkino Faso waxay sanadkan dalka ay deriska yihiin ee Mali kala baxday booska dalka xuddunta u ah qalalaasaha kooxaha hubeysan, arrintaas oo sababtay dibadbaxyo lagu dalbanayo in Damiba uu iscasilo.

Inkastoo afgambiga rogaal-celiska ah uu ahaa mid lala yaabo, haddana ciidamada Burkina Faso ayaa muddo dheer la kacaa-kufayay kalsooni-darro iyo isqabqabsi tan iyo afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2015, kaas oo horseeday in la kala diro ciidanka awoodda sare leh.

XIGASHADA SAWIRKA,RTB TV

Niyadda ciidanka waxaa wax u sii dhimay weerarro iska-caabbin ah, xaaladda lagu shaqeeyo oo ahayd mid laga dayriyo, gaar ahaan deegaannada nugul ee xudduudda ku yaalla.

Isla markii uu awoodda afgambiga ku qabsaday Kabtan Traore, dagaal afka ah ayaa dhex marayay kooxdiisa iyo kuwa daacadda u ah Damiba, taas oo abuurtay walaac la xidhiidhay inay arrintu isu rogto dagaal xukun kala riixasho ah.

Iscasilaadda Damiba ee 2-dii Oktoobar, waxay Traore ka dhigtay hoggaamiyaha milateri kala qeybsan oo wajahaya weerar khatar badan oo kaga imanaya kooxaha fallaagada ah, taas oo sidoo kale xasillooni-darro gelinaysa qeybo ka tirsan Burkina Faso iyo guud ahaan gobolka Sahel.

 

 

 

Leave a Reply