Beer-guryoodka iyo Doorka Dhiirigalineed ee Wasaaradda horumarinta Beeraha

0
116

 

Guud ahaan caalamka aynu ku nool nahay umad waliba waxay ku horumartaa ama baahi ay kaga baxda hadba sida ay uga faa’iidaysato dhulkeeda ee ay ugala soo baxdo khayraadkiisa.

Dalalka caalamka qaar badan oo ka mid ah Ayaan lahayn dhul ay wax ka beertaan balse waxay la yimaadeen wax-soo-saar kale oo ay caalamka kale kaga maarmi karaan cuntooyinkiisa,waxaanay la yimaadeen farsamooyin casri ah oo ay dalalkooda wax kaga beertaan.

Bulsho kasta oo aan lahayn qorshe nololeed oo ay kula soo baxaan isla markaana ku kaydsadaan cuntooyinka daruuriga ah ee ay ku noolaan lahaayeen,    waxaa hubaal ah in aanay guul ka gaadhayn noloshooda isla markaana ay midiidin u ahaanayaan beeraleyda dalal kale, taas oo sababi karta in ay ku dhacdo bad xidhan, ay sababeen colaado ama cuduro faafa oo adduunka kala xidha ka dibna noloshoodu ay halis u gasho cunto la’aan.

Haddaba Barnaamijkeena Beeraha ee todobaadkana waxaan ku soo qaadanaynaa sida hababka casriga ah wax loogu beerto iyo guryaha dedan ee Beer-guryoodka ah iyo faa’iidooyinka wax soo-saar ee ay inoo leeyihiin.

Barnaamijka Beeraha ee todobaadkan ee wargeyska Dawan, waxa marti noogu ah agaasimaha waaxda cilmi-baadhista iyo fidinta ee wasaaradda horumarinta beeraha aqoonyahan Axmed-nuur Jaamac Aadan, waxaanan waydiiney saddex su’aalood oo kala ah: in uu sharax ka bixiyo guryaha dedan, faa’iidooyinka guryaha dedan iyo doorka wasaaradeed ee dhiirigalinta Beer-guryoodka? Agaasime Axmednuur oo ka jawaabayay . “aad baad u mahadsan tihiin wargayska Dawan sida aad noogu soo booqateen xafiiska aanu ku leenahay wasaaradda horumarinta beeraha, haddaan ka jawaabo su’aasha aad I waydiiseen ee ku saabsan guryaha dedan ama waxa afka qalaad loo yaqaano “Green-house”, Guryaha dedani xilliyadan dambe waa wax ku soo batay dhulkeena ama aad loo isticmaallo wakhtigan casriga ah ee aynu ku jirno. Badanka waa guryo dedan oo aad wax ka beeran karto, waxa aad ka beeratayna uu kaaga soo bixi karo wax aad u wanaagsan oo aad hubto. Haddii aynu guraha dedan laba u kala qaadno: mid waa mid dhammaystiran oo leh albaab loogu talagalay, waxa kale oo jira qaar la yidhaahdo ‘open field’ (beer dul-banaan) oo ay kuwaas hore isku qaab iyo isku cabbir yihiin. Guryaha dusha bannaan waxa loogu talagalay dadkeena beeralayda ah ee aan kuwaas hore awoodi karin, si ay ugala soo baxaan wixii ay kala soo bixi karayaan, waayo kharash badan ayaa ku baxa (guryaha dedan).

Intaas kadib, faa’iidooyinka guriga dedani uu leeyahay haddaynu u nimaadno, faa’iidada koowaad, badanka waxa la sameeyaa marka aad gurigii dednaa samaysatay, cayayaankii oo dhan waad ka ilaalisay oo waa meel xidhan, faa’iidada labaad, xanuunadii ku dhici lahaa waad ka ilaalisay oo waa meel aad nafaqadeedii wanaajisay oo aad loo xakameeyay, faa’iidada saddexaad ee uu leeyahay tusaale ahaan tamaandhada  oo kale, waxa laga yaabaa in laga guro celcelis ahaan laba iyo toban ilaa shan iyo toban kiiloo halkii geed, waxa laga yaabaa in gurigii dednaa ay ku yaalaan 5000 oo geed halkii geedna laga guray 12 kiiloo, haddii 12 kiiloo lagu dhufto 5000 oo kiiloo waad qiyaasi kartaa inta kuu soo bixi karaysa (60,000 oo kiiloo oo tamaandho  ah), waxaad ku sii dhufataa qiimaha kiilooga tamaadda ahi uu ka marayo magaalada, waxa kuu soo baxaysa faa’iido aad u badan oo bulshadeenu aanay ogayn. Sidoo kale faa’iidooyinka uu leeyahay waxa ka mida hal meel ayaad ka beeran kartaa tiro guryaha dedan ah oo aad iska garab samayn kartaa, mid tamaandho ayaad ka beeri kartaa, midna shamaam, midna barbarooni; midna saladh, sidaasi awgeed guryaha dedan waxa laga helaa faa’iidooyin aad u badan. Waxa aad moodaa in ganacsatadeena iyo bulshadeenuba ay aad u soo fahmayaan.

Ugu dambayn haddii aynu u nimaadno doorka ay wasaaraddu ku leedahay in ay dhiirigaliso dadka samaystay Guryaha dedan (Green house-yada), horta waaxdayadani waxay qaabilsan tahay waa waaxda isku-xidha beeralayda iyo wasaaradda, markaa anagu waxa aanu qaabilsan nahay in dadkii wax beertay ama wax dhaqaajiyay ee wax isku dayay in aanu dhiiri galino. Qaarbaa noo yimaadda waxa ay yidhaahdaan waxa aanu samaysanay guri dedan (green house), waxa aanu rabnaa qaabkii loo beerayay, intaa kadib waxa aanu talo ka siinaa qaabkii loo beerayey iyo qaabkii siidhka loo beerayay. Markaas sida aynu ognahay abuurka yar ee loo yaqaano ‘cash crops-ka’ (dalagyada beeralaydu ay ugu tala gashay iibka) sida tamaadda ama basashasa dee iyaga looma beero sidii garawga ama arabikhida oo cagaf lama adeegsado, markaa waxay u baahan yihiin aqoon gaar ah, oo tamaadda oo kale ama bashasha oo kale awoodeeda ayaa aad u yar oo iniinteeda waxa la dhigaa meel dhaw, markaa taa lafteedu aqoon bay u baahan tahay dadkiina waanu ka caawinaa oo waxa aanu ku dhiirigalinaa in ay qaabkaas wax u beertaan. Sidoo kale waxa aanu samaynaa oo wasaaraddu ay door ku leedahay, waxa jira barnaamij dhanka beeraha ah oo dawladda Taiwan ay la wado dawladda Soomaaliland gaar ahaan wasaaradda horumarinta beeraha, waxa ay sameeyeen guryo dedan (green-houses), waxa ay soo ururiyeen iskaashatooyin, way tobabaraan, marka ay tobabaraanna beertoodii ayey dib ugula noqdaan (aqoon), waxa ay sameeyaan wax la yidhaahdo ‘open field’ (beer dul-banaan) oo ah sida aynu hore u soo sheegnay hab aanu kharash badani kaga baxayn oo ka kharash yar guryaha dedan; waxana ay ku isticmaalayaan aqoontii la soo baray. Tusaale ahaan, marka guryaha dedan la joogo tamaadda oo kale xadhkaa xaga sarre loogu soo xidhaa si aanay u liicin, laakiin seeraha dusha banaan ama ‘open field’ waxa loo taagaa qoryo qiimahoodu jaban yahay oo laga soo gooyay geedahan dhulkeena ku yaalla. Waxa taas loo door biday, maadaama oo beeralaydu aanay dhaqaale badan haysan in ay ka maarmi karaan guryihii dednaa oo ay samaysan karaan guryo dusha ka banaan.

Leave a Reply