Wasiir Kaahin oo ku amray Maayarrada Dalka in aanay bixin qandaraasyo aan marin guddida qandaraasyada Qaranka

0
339

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa wareegto uu soo saaray ku amray maamulka dawladdaha hoose ee dalka in mashaariicda horumarineed ee ay fuliyaan qandaraasyadooda mariyaan xafiiska guddida qandaraasyada Qaranka, iyagoo raacaya xeerarka iyo nidaamka qandaraasyada ee dhaqan-galka ah.

Wareegtada Wasiirka arrimaha gudaha oo soo baxday Arbacada maanta, ayaa waxa lagu amray dhamaan maayarrada degmooyinka dalka in aanay bixin ama aanay fulintiisa cidna siin, aan ogolaanshiyo ka haysan guddida qandaraasyada Qaranka.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku ku wargeliyey hay’addaha maamula nidaamka maaliyaddeed ee dawladda oo ay kamid yihiin Xisbiyaha guud, Hanti-dhowraha guud, wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe in aanay sii dayn kharashaad lacageed oo mashaariic ah oo aanay ansixin guddida qandaraasyada Qaranku.

“anigoo ka duulaya; dhaqangelinta xeerarka dalka u yaalla. Waxaan go’aamiyey in dhamaan mashaariicda horumarineed ee ay fulinayaan dawladdaha hoose ee dalku la mariyo guddida qandaraasyada Qaranka, sida ay dhigayaan labada xeer ee qandaraasyada ee xeer Lr.82/2018 iyo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr. 23/2019”ayaa lagu yidhi qaraarka ka soo baxay Wasiirka arrimaha gudaha.

Wareegtada ayaa intaasi ku dartay “waxaan la socodsiinayaa in hay’ddaha iyo wasaaraddaha ay khusayso ee uu kamid yahay Xisaabiyaha guud ee dawladda, hantidhowraha guud ee qaranka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka dhexe ee Somaliland aanay bixin Karin lacag kasta oo mashaariic ah oo aan wadan warqada ogolaanshiyaha guddida qandaraasyada”

Go’aanka ayaa meesha ka saaraya nidaamka ay dawladdaha hoose ee dalku u bixiyaan qandaraasyada mashaariicda ay fuliyaan oo ay siiyaan cida ay doonaan, wax door ahna aanay ku lahayn hay’adda dawladda u xilsaaran maamulka mashaariicda fulineed ee qaranku maal-gelinayo.

 

Leave a Reply