Sidee Ayey Soomaaliland U Gaadhi Kartaa Isku-filnaanshe Dhanka Cunada Ah?

0
622

Hargeysa (Dawan) Beeruhu waa qaybta ugu muhiimsan dhaqaalaha dunida, guud ahaan wadamada hore u maraya. Waa isha koowaad ee shaqo-abuurka, dakhliga iyo cunada. Ku dhawaad boqolkiiba koob iyo toban (11%) kamida dhulka dunida waxa laga sameeyay beerro; boqolkiiba lix iyo labaatan kalena (26%) waa dhul xoolo daaqeen ah.

Soomaaliland waa wadan ilaahay s.w.t uu ku manaystay khayraad faro badan oo u ogolaanaya in ay gaadho isku-filnaanshe dhanka cunada ah. Haddii ay ka faa’iidaysato dhulalkeeda dihan ee beerashada ku haboon, xoolaheeda nool, kaluunkeeda iyo dooxyadeeda faraha badan ee badda waraabiya ee ay ka ooman tahay, waa hubaal ah in ay gaadhi doonto isku-filnaanshe dhanka cunada ah.

Sida ay Soomaaliland u gaadhi karayso isku-filnaanshe dhanka cunada ahi waa amuurta barnaamijkeena beeraha ee todobaadkani uu ku saaban yahay.

Si aynu u gaadhno isku-filnaanshe dhanka cunada ah ugu horeyn waa in aynu wax ka barano qaar ka mida jawaabihii dalalka dunidu ay ka bixiyeen su’aasha aynu ciwaanka uga dhignay barnaamijkeena beeraha ee todobaadkan.

Dalka Shiinaha dhulka wax laga beerto ayaa dhan boqolkiiba todoba (7%); iyadoo ay taasi jirtona, waxa ay quudiyaan boqolkiiba 22% kamida bulsho weynta caalamka. Qarnigii 20aad, shiinuhu wuxuu halgan u galay quudinta bulshadiisa aadka u tirada badan. Intaas kadib, dib u habaynta iyo casriyeynta siyaasadaha beeraha iyo tignoolajiyadu waxay Shiinaha gayeysiiyeen isku-filnaan iyo koboc dhaqaale. 545,960 kilomitir oo laba jibaaran oo kamida dhulka la beero ee Shiinuhu waa beero la waraabiyo.

Dalka Maraykanku waa mid ku caan baxay tajribooyinkiisa dhanka beeraha; waxana dunida uu siiyaa tignoolajiyado beereed oo casri ah. Waxa tusaale ku dayasho oo dhanka beeraha ah uu u yahay wadamo faro badan; waxana beeraha dalka Maraykanku ay yihiin kuwo u kobcaya si joogto ah. Marka la joogo Maraykan, kobcin waxa loola jeedaa daryeelidda carada, shaybaadhidda dalagyada, mushiino aad u casriyeysan iyo balaadhinta adeegsiga kombiyuutarada. Hadaynu soo koobno, waxa aynu odhan karnaa Maraykanku waa dalka ugu fiican dhanka tignoolajiyadda Beeraha.

Wixii ka dambeeyey 1991-kii, beeraha dalka Maraykanku sanad walba waxa ay kordhayeen boqolkiiba 5%. Intaa waxa dheer, qof kasta oo beer leh wax-soo-saarkiisu wuxuu kordhayey boqolkiiba 0.84% sanad kasta.

Dalka Hindiya boqolkiiba 58% nolol maalmeedka reer Hindiya waxa uu ku tiirsan yahay beeraha. Xog ururin dhawaan la sameeyey, beeruhu waa isha koowaad ee dakhliga siisa kala badh dadka reer Hindiya. 14-kii sanno ee ugu dambeeyey wax-soo-saarka beeraha Hindiya ayaa sare u kacay, waxa uu ka soo dhaqaaqay 87 bilyan oo doolar; waxana uu gaadhay 397 bilyan oo doolar, taasi oo ka dhigan in sanadkiiba uu kordhayey boqolkiiba 11%.

Dhul cabirkiisu dhan yahay 96 milyan oo hiktar waxa ku yaalla beeraha la waraabiyo ee Hindiya; waana dhul beereedka dunida ugu balaadhan.

Hindiya beero-dhaqashadeedu waxa ay leedahay dhinacyo badan, kaliya dhaqashada xoolaha iyo falashada dhulku waxay boqolkiiba 60% ku deeqaan, wax-soo-saarka beero-dhaqashada maxaliga ah ee Hindiya oo dhan.

Dalka Ruushka in ka badan 23 milyan oo dhul ah ayaa la beertaa. Caadiyan dalka Ruushku wuxuu isku taxalujiyaa dhaqaalaha wershadaha; waxana uu leeyahay wax-soo-saar beereed oo aad u weyn. Ku dhawaad boqolkiiba 6 %,kamida dhaqaalaha Ruushku waxa uu ka yimaadaa wax-soo-saarka beeraha. Waxa intaas dheer, fursadaha shaqo ee ka jira dalka Ruushka boqolkiiba 16% kamida waxa daboola wax-soo-saarka beeraha.

Dalka Faransiiska waxa ka jira ku dhawaad todoba boqol iyo sodon kun oo beerood (730,000), ilaa boqolkiiba 7% bulshada kamid ahi waxay wax ka helaan beeraha ama meelo kale oo u dhigma sida kaluumaysiga ama kaymaha looxa laga qoro. Dalka Faransiiska qof waliba waxa uu hayaa shaqo beeraha la xidhiidha oo ay ka mid tahay sida soo saarista alaabooyinka beeraha, iwm. Taasi waxay kuu muujineysaa sida xad dhaafka ah ee bulshada Faransiis ay ugu mashquushay wax-soo-saarka beeraha.

Dalka Turkiga, beeruhu waa shaqada koowaad ee bulshada reer Turki. Wershadaha iyo shirkadaha adeegyada bixiya ayaa si joogto ah u soo badanaya. Wadamada dunida, Turkigu waa wadanka qudha ee dedaal ku gaadhay isku-filaansho dhinaca cuntada ah. Turkigu waxa uu leeyahay jawi cimilo oo aad u wanaagsan, carro tayo leh oo beerista ku fiican; waxana uu helaa roob fiican oo u ogol beerista nooc kasta oo ka mida dalagyada la beerto.

Ku dhawaad boqol milyan oo ka mida bulshada Turkigu waxay ku nool yihiin beeraha.

2018-kii Wadarta baahiyaha shaqo ee ka jiray dalka Turkiga, boqolkiiba 19.2% ka mid ah waxa daboolay beeralayda.

Guntii iyo gebagabadii, sida ku cad jawaabaha dalalka dunida qaar mid ahi ay ka bixiyeen su’aasheenii ahayd: Sidee Ayey Soomaaliland U Gaadhi Kartaa Isku-filnaanshe Dhanka Cunada Ah? Waxa muuqata in beeruhu ay yihiin ubucda uu wadan ka tamariyo iyo isha dhaqaale ee aasaaska u ah in uu qaran barwaaqoobo.

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply