Xukuumadda Somaliland iyo Hay,ada ARC oo kala Saxeexday heshiis Deeq Waxbarasho oo farsamada Gacanta ah

0
248

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska  iyo Hay,ada ARC  ayaa shalay  kala saxeexday heshiis deeq Waxbarasho oo farsamada gacanta lagu barayo 200 oo  arday

Wasiirka  Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  sheegay in Xukuumaddu mudnaanta koobaad sii nayso  Waxbarasahda Farsamada Gacanta,waxaanu  intaa ku daray  in heshiiskan waxbarasho wax lagu bari doono muwaadiniin reer Somaliland.

Axmed  Toorno oo faahfaahin ka bixinayay heshiiskaas ay kala saxeexdeen Hay,adda ARC.,ayaa,yidhi”Waxa aanu kala saxeexanay Hay,ada ARC  heshiis Waxbarasho oo 200 oo qof  lagu tababarayo farsamada Gacanta oo Gobolada Somaliland oo dhan ah,aad iyo aad ayaanan ugu mahadnaqayaa  Hay,ada  ARC,waxa kale oo aanu ka wadahadalnay guud ahaan sidii Hay,adani uga qayb qaadan la hayd Waxbarashada Somaliland.gaar ahaan  dhinaca farsamada gacanta oo ay wax ku baraan dad badan oo reer Somaliland ah mudnaanta koobaad ayaanay u tahay Farsamada gacanta,”.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada  Qoyska iyo arrimaha Bulsahda Axmed Xasan oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa  tilmaamay in ay wax lagu farxo  tahay in dadka la baro wax ay ku shaqo tagaan.Waxaanu yidhi”Fursadan waxbarasho ee farsamada gacanta waxaa wax lagu bari doonaa 200 qof oo muwaadiniin reer Sonaliland ah,waxaana wax lagu bari doonaa farsamada gacanta oo kala duwan  oo ah kuwa loogu baahida badan yahay oo muddo afar bilood ah ayaanay socon doontaa  oo lagu tababari doonaa  waana wax lagu farxo in dadka la baro wax ay ku shaqo tagaan,”.

 

 

Leave a Reply