Shirkadda Digaagga Hormuud iyo kaalinta Shaqo Abuurka iyo waxsoosaarka Dalka

0
544

Boorama(Dawan):- Shirkadda Digaaga Hormuud Poultry  Fram Boorama,waxay ka mid tahay shirkadaha digaagga ee ay keentay aasaaskooda baahi dalku u qabay Beedka  oo dalka dibeddiisa laga keeni jiray isla markaana ay marar badan soo bixi jirtay qasaare ka dhasha beedka dibedda laga soo dejinayay oo ama xumaada ama sooba Burbura.

Waxaana laga aasaasay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal,waxaanay gobolka kusoo kordhisay shaqo abuur iyo isku filnaansho dhanka Beedka ah.

Laakiin wali shirkadaha digaagga ee dalka waxay caqabadi ka haysataa dhanka Hilibka digaagga sida uu noo sheegay Digtoor Mahdi oo ka mid ah masuliyiinta shirkadda digaagga ee Hormuud Poultry Boorama oo iftiimiyay in dhanka suuqgaynta Hilibka digaagga in ay kaga timi  culays dhanka suuqa ah oo uu sababay  hilbka digaagga ee dibedda laga soo dejiyo oo  dalka ku badan isla markaana hoos u dhigay iibka hilibka digaagga dalka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida ay u dabooleen baahidii Beedka ee guud ahaan dalka Somaliiladn shirkadaha digaagga oo smaaystay shirkad guud oo au ku midaysan yihiin oo dalka oo dhan Beedka gaadhsiisa.

Waxaanu intaa raaciyay in shirkadda Hormuud ee Digaagga ee Borama in ay gobolka ku soo kordhisay shaqo abuur badan oo ay u samaysay dad badan oo deggen magaalada Boorama waxaanu sheegay in ay u shaqeeyaan shirkadda ugu yaraan 50 qof oo shaqooyin kala duwan u qabta,halka ay ka sii faa’iidaystaan oo ay ka shaqaystaan Beedka gaadiidka qaada iyo dadka ka sii ganacsada ee gobolada dalka.

Shirkadda Hormuud iyo shirkadaha  kale ee Digaagag ee Somaliland ayaa waxsoosaarka beedka ee baahida dalka daboolay isla markaana dhanka Soomaaliya u iib geeya Beedka ay soo saaraan.

Dr Mahdi oo  ka waramaya siday ku aasaasantay shirkadda Hormuud ee Digaagag ee Boorama iyo halka ay hadda marayso waxaa uu yidhi. “Xarunta digaaga ee magaalada Borama xaruntan bilowgeedii waxa loo aasaasay baahi beed oo ka jirtay magaalada Borama khaasatan warshadaha furinka oo samayn jiray Keega iyo wixii la hal maala, baahida darteed ayaa loo aasaasay, markii hore beedku waxa uu ka iman jiray dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, beedka Itoobiya ka yimaada dhibaato badan ayuu keenay, intiisa ugu badan wuu xumaan jiray, simarkaasi beed nadiifa oo cusub loo helo isla markaana bulshadii caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaanba u wanaagsan baahidaasi darteed ayaa loo aasaasay.”

Waxaanu intaa raaciyay.“Markii koobaad ee la sameeyo xaruntan digaaga waxa lagu bilaabay hal hangar oo aad u yar, haddana waxa uu maraya ilaa shan hangar oo waa weyn, oo kan aan dhex jooga uu ka mid yahay digaaga ku jira markii la bilaabay dhawr boqol ayuu ahaa, balse maanta ku dhawaad dhawr iyo sodon kun oo xabo ayuu marayaa, oo isugu jira kuwa dhala iyo kuwa marxaladii koriinkaba isugu jira.

Hangarkan waxa ku jira digaag tiradoodu dhan tahay lix kun iyo sideed boqol oo xabbo, waxanu leeyahay meeshii digaagu ku dhalayeen, meeshii digaagu biyaha ka cabayay, meeshii digaagu raashinka ka cunayay iyo meeshii ay habeenkii iyo maalintiiba ku jirayeen.

Hangarkan waxa laga soo saara beed ku dhaw shan iyo toban kartoon, isla markaana ay kartoonkii ku jiraan saddex boqol iyo lixdan xabbo, waa shan Hangar marka waxa laga soo saara dhawr iyo konton kartoon maalintii.”

“Baahida magaalada ka jirtay way koobnayd balse hadda maalinba maalinta ka danbaysa way sii kordhaysa, si beedii guud ahaan dalka oo dhan u gaadho waxa aanu samaynay iskaashatooyin kala duwan, oo Som Poltery la yidhaahdo, iyada oo beedkii wixii la soo saaray si guud loo xisaabiyo oo la isugu keeno, markaasi ayaa waddanka oo dhan loo qaybiya si uu meel walba u gaadho, xagga baahida beedka ee Somaliland 95% waa la daboolay.

Raashinka aanu siina waa saddex nooc, waa Arabici, buushi iyo dhagax caadiya iyo laba shay oo iyaguna dibada laga keeno, kuwaas oo digaagu aanay ka maarmin, shanta shay ayaa la isgu dara oo la siiyaa,”

“Caafimaadkooda marka laga hadlayo qaabab badan ayaa lagu ilaaliya, tallaalkooda waala ilaaliya, cuntada la siinaya qaabka ay tahay inay sax tahay iyo in ay wax ka qaldan yihiin ayaa la hubiya, dadka dibada kaga imanayana waxa cagaha loo galiya biyo ka reeba haddii ay cagaha ku soo qaateen wax uu xannuun ka dhalaan karo, sidoo kale bulsho aad u tiro badan ayaa ka heshay shaqo abuur”

 

 

 

 

Leave a Reply