Anthony Martial oo Hal Shardi u Xidhay United, si uu Heshiis Cusub ugu Saxeexo Kooxda

0
216

Anthony Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in uu ballan qaad ka helo tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiis cusub oo Man United.

26 jirkan ayaa wacdaro ka dhigay Red Devils intii lagu jiray is-diyaarinta xilli ciyaareedka, waxaanu u muuqday mid ku bilaabanayaa shaxda kooxda xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer France ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu horeeyay ee Man United la ciyaartoy kooxaha Brighton & Brentford.

Xiddiga ayaa 45 daqiiqo ciyaarya kulankii ay Man United ka badisay Liverpool hadana waxa uu dhaawac ku seegay 3-dii kulan ee xigay.

Heshiiska Martial ee Man United ayaa dhici doona xagaaga 2024 waxaanay kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxeexato.

Laakiin xiddiga ayaa u sheegay maamulka Kooxdiisa in uu ka helo ballan qaad ah in uu si jooogto ah ugu ciyaari doono kooxda Man United ka hor intii aanu qalinka ku duugin heshiis csub.

Leave a Reply