Erik Ten Hag oo Doortay Afar Xiddig oo Hoggaamin Kooxda iyo Ronaldo oo Laga Reebay

0
207

Cristiano Ronaldo ayaa laga saaray liiska afarta ciyaartoy ee hoggaamiyeyaasha Manchester United ah, xilli uu laacibka reer Portugal kursiga kaydka u dhacay oo uu ku jiro xaalad adag.

Ronaldo ayaa laga yaabaa in uu isku dayo inuu ka tago Old Trafford bisha January, inkasta oo ay adag tahay in waqtigaas ay kooxna albaabadeeda u furi karto.

37 jirkan oo marka horeba xaaladdiisa Manchester United aanay fiicnayn ayaa waxa haddana u raacday in laga reebay liiska afarta hoggaamiye ee kooxda, taasoo la tuhunsan yahay inay qayb ka qaadatay qaabkii uu iskugu dayay inuu kooxda ugu qasbo inay fasaxaan amaba iibiyaan xagaagii tegay.

Ronaldo oo sidoo kale uu khilaaf ka dhexeeyey ciyaartooyo badan oo kooxda ah, sida Harry Maguire oo isaguna garab kale hoggaaminayey, ayaa sida uu qoray wargeyska The Telegraph, waxa uu tababare Erik ten Hag doortay afarta hoggaamiye ee qolka labbiska, kuwaas oo la sheegay inuu xulashadooda ku salleeyey ilaalinta qiyamka kooxda iyo hoggaamintooda dabiiciga ah.

Afarta hoggaamiye ayaa waxa ugu horreeya Harry Maguire oo ah kabtanka kooxda oo uu weli Ten Hag kalsooni ku qabo xataa isaga oo lumiyey booskii joogtada ahaa. Waxa kale  oo ku jira Bruno Fernandes iyo David Dea Gea, hase yeeshee shaqsiga lama filaanka ah ayaa noqday Tom Heaton oo ay da’diisu tahay 36 jir xagaagii shaaciyey inuu kabaha tiiriyey, isla markaana soo galay maamulka kooxda.

Leave a Reply