Masuuliyiin Baanka Somaliland ka Socda oo Shir Caalami ah kaga qayb-galay Nayjeeriya

0
193

Mohamoud Walaaleye

Abuja-(Dawan):- Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Mudane. Mukhtaar Cabdi Quule iyo wefdi masuuliyiin baanka dhexe ka socda oo  uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay shir ka dhacay dalka Nayjeeriya.

Agaasimaha Guud oo ay weheliyaan Agaasimaha Qaybta Kor-joogteynta Hay’addaha Maaliyaddeed, Mudane Abshir Cabdi Maxamed, iyo Agaasimaha Qeybta Xidhiidhka Dadweynaha iyo Arrimaha Dibedda, Mudane Mukhtaar Cumar Cali ee Baanka Somaliland ayaa magaaladda Abuja, ee dalka Nigeria kaga qayb galay shir goboleedka Afrika ee ilaalinta dhigaallayda (Africa Regional Committee Protecting Deposits)  iyo Ururka Caalamiga ah ee Caymiska dhigaallayda (International Association of Deposit Insurance) ee loo yaqaano (IADI).

Wasiirka Maaliyadda, Kharashka iyo Qorysheynta Qaranka ee Nigeria, Mss. Zainab Ahmed iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Nayjeeriya Mr. Godwin Emefiele oo ka hadlay furitaankii shirka oo muddo shan maalmood ah socon doona ayaa la sheegay in lagaga hadli doono maareynta khataraha dhigaallayda, qorsheynta u diyaar garowga khataraha ku iman kara hantidda dhigaallayda, iyo  doorka caymiska dhigaallaydu (Role of Deposit Insurance on Stabilizing) uu ka qaato degenaanta Hay’addaha Maaliyaddeed ee qaata dhigaallayda.

Ururkan oo ay ku midaysan yihiin 92 waddan ayaa Baanka Somaliland kaga qayb galay qaab la simman wadamadda ku mideysan ururkan.

 

Leave a Reply