Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa Dr Askar: Masuul Mahadcelin Mudan

0
267

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

Dr. Axmed Cumar Askar, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo xilka mar labaad qabtay April, 2020, ayaa ah masuul xilka uu ummada u hayo gudashadeeda ka soo baxay.

Agaasimaha  guud ee Cusbitalka Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar (Askar) oo muddo dheer soo hayey xilkan ayaa sannadkii 2015, xilli uu hadal u jeedinayey guddi hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida oo kormeer ku yimi cusbitaalka Hargeysa uga mahadceliyay  isla markaana u sheegya in Cusbitaalka guud ee Hargeysi hadda uu meel aad u fiican marayo, laguna soo kordhinay qaybo badan oo ay ka mid yihiin, qaybta CT Scan-ka oo ah qaybta baadhista oo ay joogaan dhakhaatiirtii aqoonta u lahayd iyo mishiinkii wadnaha.”

Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa  Dr. Axmed Askar waxuu sheegay inuu kor u kac baaladhan ku yimi adeegyadii uu cusbitaalku u qaban jiray bulshada, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Runtii cusabitaalka waxa kor u kacay adeegii uu bulshada u qaban jiray sida, qaliinka, xaaladaha degdega ah ee ku yimaada dumarka marka ay umulayaan, qaliinada dadka madaxa dhaawacyadu ka soo gaadhaan iyo sifaynta kalyaha.” Sida uu qoray wakhtigaa Xoghayaha Guddiga joogtada ee Golaha Guurtida Siciid Cali Nuux.

Wakhtiga Dr Askar sharaxaada ka bixinayey kor u kaca adeegyada cusbitaalka oo todoba sannadood laga joogo ayaa marka xilligan loo eego maraya heer ka sii sareeya, dhinac dhisme, qalab iyo adeegyada uu bulshada u fidiyo cusbitaalka dawladda ee Hargeysa.

Shalay waxaan socdaal ku tegay Xafiiska Agaasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr Axmed Cumar Askar, markiiba waxay indhahaygu qabteen albaabka xafiiskiisa oo furan, bulshadana qof kasta oo dan uga soo baahda ugu imanayey.

Waxaan fadhiyey muddo labaatan daqiiqadood ah, waxaan ku kulannay ilaa todoba qof oo laba hooyo ubad wata ku jireen, dhamaan marka qof walba dantiisa u sheego, hadal la’aan ayuu ugu fulinayey.

Waxuu Dr Askar, dhakhaatiirta la shaqeysa weydiiyey qof qaliin lagu sameeyey, xaaladiisa iyo cabasho ka soo gaadhay, waxaanu u sheegay in dib loo soo dhigayo qofkaa, adeegyada dambe ee loo qabanayana wadatashi kala yeelan doono dhakhaatiirta ay khusayso.

Hadaad aragto xafiis Masuul xil ummada u haya oo furan, u qir daacadnimo iyo daahfurnaan. Waxaanu noqonayaa masuul waajibkii uu ummada u hayey si wanaagsan u guta, oo in loo mahadceliyo mudan. sababtoo ah, qofkii aan ummada u mahadcelin, Ilaahay SW uma mahadceliyo.

Annigu markii dadku ka dhamaadeen ayaan u sheegay Dr Askar in ujeedada booqashadaydu ahayd xog ogaal u noqoshada xaalada cusbitaalka iyo adeegyada uu bulshada u fulinyo, inta aan arkayna maanta igaga filan tahay ogaanshaheeda.

Waxaan kaga baxayaa Agaasimaha Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr Axmed Cumar Askar waa masuul mahadcelin mudan.

 

 

Leave a Reply