Tartanka Codka Shimbiraha!

0
277

Tartanka heesaha iyo codka shimbiraha ayaa  lagu qabtay dalka Thailand, waxaana ka soo qayb galay dad aad u badan oo dawadayaal ka ahaa Tartankaasi.

Sida laga soo daabacay website-ka” CGTN”, tartanka heesaha shimbiraha ee sanadlaha ah oo Thailand lagu qabtay waxa ka soo qayb galay boqolaal daawadeyaal oo ka kala yimi dalalka Koonfur bari Aasiya.

Tartanka waxa ka qayb galay In kabadan 1,600 shimbirood oo ka kala socday dalalka Thailand, Malaysia iyo Singapore.

Shimbiraha ayaa ku jiray qafsayo loox ah oo qurux badan oo 3 mitir ka sareeya dhulka kuna xidhan bir aad dhumuc weyn oo macdan ka samaysan indhahan soo jiidanaysa.

Garsoorayaasha xukumaya tartanka ayaa soo saaraya go’aanadooda ka dib marka ay qiimeeyaan dhawaaqa, codka, muuqaalka, dabeecadda iyo codka shimbirta, iyo weliba tirida iyo qadarka heesaha ay ku ciyaarayso shimbir kastaa.

Shimbirta guulaysata ayaa ah tan ugu heesaha badan isla markaana ugu wakhtiga yar oo ay weliba dadku la dhacaan codkeeda, iyadoo laga rabo ugu yaraan sideed jeer oo kala duwan. Dadka shimbirah leh ayaa iyaguna ku dhiirgelinaya shimbirahooda si ay ugu guulaystaan abaalmarinta la siinayo.

Leave a Reply