Aaga warshadaha Gobolka Maroodijeex oo maanta la Dhagax-dhigay

0
282

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha   Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigtay aagga warshadaha gobolka Maroodijeex.

Waxa dhagax dhiga munaasibadaasi goob joog ka ahaa, wasiiradda maalgashiga, arrimaha gudaha, maaliyada, degaanka, hawlaha guud,  ganacsiga, guddoomiyaha baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashig iyo duqa caasimada Hargeysa.

Ugu horayna waxa madashaashi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Maalgashiga Maxamed Cismaan Siciid, oo faahfaahiyay Qorshaha loo diyaariyay warshadlayda iyo Maalgashadayaasha ganacsi ee ku hamiyaya aas aaska warshadaha.

Waxaanu yidhi.“Waxa ay fursad weyn u tahay warshadlayda somaliland iyo maalgashadayaasha raba in ay waddanka warshado ka samaystaan in la helo dhul warshadaha u gaar ah oo lasiinaayo warshadlayda.

Fursaddan ay wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu maanta hirgelisay dhagaxdhigeeda waxa ay meesha ka saaraysaa carqalad weyn oo maalgashatada warshadaha ka haysatay helitaanka dhil ku haboon warshadaha”

 

Leave a Reply