Klopp oo Kashifay Sababtii ay Man City Gabriel Jesus uga Iibisay Arsena

0
248

Jurgen Klopp ayaa ka dhawaajiyay in Arsenal ay awooday kaliya inay la soo wareegto Gabriel Jesus sababtoo ah Man City ayaan Arsenal u arkin koox kula tartami karta horyaalka premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa xagaagii isaga tagay Man City kadib 4 sano iyo badh uu joogay oo uu kula guulaystay koobab badan waxaanu ku biiray kooxda Arsenal.

Jesus ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xill ciyaareedkan isaga oo Gunners ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka premier League.

Xiddiga Jesus ayaa lala xidhiidhinayay kooxo ay ka mid yihiin Chelsea iyo Tottenham laakiin Man City ayaa ogolaatay in ay ka iibiso Arsenal.

Klopp ayaa sheegay in sababta ay Man City Kaliya Arsenal uga iibisay Jesus in ay tahay in ay Man City u aragto Arsenal koox aan halis ku ahayn in ay kula tartanto premier League.

“Waxa aan ogahay in aanay Man City Gabriel Jesus ka iibinayn koox kasta laakiin Arsenal ayay ka iibisay sababta oo ah Arsenal aad ayay uga horaysaa”.

 

Leave a Reply