Oog-(Dawan):- Ardayda Ciidamada iyo bulshada danyarta ee ku nool Degmada Oog ayaa la sheegay inay muddo lix iyo toban sannadood wax ku dhiganayaan sariibada hilibka magaalada.
Ardaydan oo gaadhaysa 400 wiilal iyo hablo isugu jira oo dhigta Dugsiga Hoose ee Alle-Aamin degmada Oog, ayaa noqday goob arday farabdan ka waayeeen fasalo iyo kuraas ay fadhiistaan kuna qasabtay in sariibada loogu dhigo, waxaana warbixin uu shalay ka diyaariyey Telefishanka MM TV lagu sheegay inay dhulka loo goglo cawo (dermooyin) ay ku fadhiistaan, isla markaana imtixaanada ku galaan cadceeda sariibada horteeda.
Sariibada oo hore loogu talogalay haweenka khudrada iyo hilibku inay ku ganacsadaan ayaa loo bedelay goob ardayda wax loogu dhigo, ka dib markii loo waayey dugsi iyo hanaan waxbarasho ku haboon.
Dugsiga hoose ee Alle-aamin oo la aasaasay sannadkii 2004-tii oo lagu bilaabay goobo kiro ah ayaa markii ardaydu bateen Khasab noqotay in waalidiintu sariibadii hilibka iyo khudrada dibeda uga baxaan, si ubadkoodu wax ugu bartaan, ayey sheegtay haweenayda maamulaha dugsiga ah, waxaanay tidhi,
“Ubadkan saddex meelood marka loo qeybiyo, laba waa ubadkii ciidanka qaranka ee jiidaha hore jooga, markaa ubadkoodii cidlo waanu ku sii deyn kari weynay, maadama ay nabadgelyadayada ilaalinayaan.
Askari ka mid ah waalidiinta oo shan caruur ah u dhigtaan ayaa sheegay inuu jiida hore ka yimi, isla markaana mushaharkiisana wax ku bartaan ubadkiisa, balse nasiibdaro ubadkiisu khadiifado ku fadhiistaan.
Waxuu sheegay in marar kala duwan la sheegay in wax laga qabanayo, balse weli aan loo soo dhaqaaqin, waxaanu ka codsaday Wasiirka Waxbarashada in ubadka ciidamada qaranka iyo dadka danyartu helaan kuraas iyo faslo ay wax ku bartaan.
Hooyo ka mid ah macalimiinta ayaa sheegtay inay dhibaato kala kulanto kaabada sariibada ay ardayda wax ugu dhigo, waxaanay madaxda Waxbarashada ka codsatay in dugsi loo dhiso ubadkan.
Qaar ka mid ah ubadka yaryar ee dugsiga dhigta oo fariin u soo diray Wasiirka Waxbarashada ayaa ka codsaday inay helaan dugsi iyo kuraas ay wax ku bartaan.
Dumarka khudrada iyo hilibka iibiya oo wakhtigan ku ganacsada cadceeda ayaa ugu baaqay madaxda inay ubadka dugsi u dhisaan, si ay cadceeda uugu noqdaan sariibadooda.
Wasaarada Waxbarashada oo marar kala duwan sheegtay inay dugsiyo boqolaal ka badan ka dhistay deegaamada dalka ayaa la eegi doonta sida ay uuga jawaabto cabashada ubadka iyo waalidiinta degmada oog.