Pep Guardiola oo Doonaya Saxeexa Xiddig Wacdaro ka Dhigaya Bundesliga

0
224

Tabobaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu ku amray kooxdiisa inay u dhaqaaqaan saxeexa xiddiga khadka dhexe Bayern Munich Jamal Musiala.

19-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda heysata horyaalka Jarmalka xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay toddobo gool, islamarkaana siddeed caawimood sameeyay 13 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga ayaa shan gool ka dhaliyay Bundesliga shan gool oo kalena caawiye ka noqday halka uu laba gool caawiyay kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu bar-baraha la gadhay Borussia Dortmund.

Inkastoo afar sano ay uga hadhsan tahay qandaraaskiisa Allianz Arena, haddana waxaa dhawaanahan jiray hadal heyn ku saabsan Mustaqbalkiisa isaga oo xiiso ka helay kooxaha Man United iyo Liverpool.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Man City ayaa sidoo kale ku biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga iyada oo Pep Guardiola aad ula dhacsanyahay xiddiga reer Germany.

Guardiola ayaa u arka xiddiga Musiala xiddig ku haboon qaab ciyaareedkiisa waxaanu u sheegay maamulka kooxda in loo keeno wax kasta oo dhaca.

Leave a Reply