Xulka Kubada Cagta Baahiyaha Maqalka Qaba Ee Gobolka Maroodi-Jeex Oo Hantay Koobkii Gobollada

0
200

Tartanka gobollada Somaliland ee dadka qaba baahiyaha maqalka oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ayaa todobaadkan lasoo gunaanaday.

Tartankan oo ay ka qaybgaleen lixda gobolka ee Somaliland ayaa ahaa mid xiiso badan lahaa, waxaana ciyaartii kama dambaysta ahayd iskugu soo hadhay gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal, waxaana dhexmartay ciyaar aad u adag oo labada kooxood ay ku muujiyeen awooddooda ciyaareed, waxaanay isla dhaafi waayeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta barbaro, waxaana loo dhigay gool-kulaad, kaasoo ay guuushu ku raacday gobolka Maroodi-jeex.

Xulka kubada cagta baahiyaha maqalka qaba ee gobolka Maroodi-Jeex ee guulaystay, ayaa noqday champion sanadkam (Somaliland Deaf Cup 2022 Champions).

Leave a Reply