Xikmadaha

0
269

Guushu Doontaan Ayay Ku Timaadda

  • Kalluunku afka ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidho afkaaga, waxa badan kuwo meel ka dhacaaga raadinaya .
  • loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmidey oo i dhibtay , musbaarka ayaa ugu jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha madaxa la igala dhacayo waad ii cudurdaari lahayd.
  • U cudurdaar dadka, noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana hagaaji.
  • Nin saalixiintii hore ka mid ah ayaa la weydiiyey maxaad masjidka utagtaa intaan la eedaamin? wuxuu ku  jawaabey eedaanka waxaa lagu baraarujiyaa kuwa ilowsan, waxaan rabaa in aanan ka mid noqon kuwaasi.
  • Dadku markasta waxay doonaan wixii aanay haysan, markay helaana mid kale ayay doonaan waxay haystaana ee nimca ahna ma arkaan .. Waana dhaqanka aadamiga.
  • Ma jirto Aduunayada qof kaaftoomay, mid kasta waxbaa ka dhiman.ha werwerin dadku waa kula mid.
  • Markaad maal iyo dhaqaale ka fikirayso ka kaa hooseeya eeg, markaad cilmi iyo cibaado ka doonaysana ka  ka sareeya eeg.
  • Guusha lama sugo , waxa ay ku timaadaa doonitaan , waligaa ha sugine u dhaqaaq dhinaceeda.

Leave a Reply