Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha oo Kormeeray Xafiiska guud ee Bixinta Kaadhka Dhalashada Somaliland

0
266

Hargeysa(Dawan):- Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf ayaa shalay kormeeray xafiiska guud ee bixinta kaadhka dhalashada Somaliland.

 

Waxana Agaasimaha Guud Xafiiska kusoo dhaweeyay dhammaan shaqaalaha ka hawl galasha Xafiiska guud ee bixinta kaadhka aqoonsiga muwaadinka.

Ugu horrayn Madaxa Xafiiska Guud ee kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka Yaasiin Cismaan Diiriye ayaa Agaasimaha Guud warbixin kooban ka siiyay sida ay shaqada maalin laha ahi uga dhacdo xafiiska, maadaama xafiisku Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsanyahay bixinta Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka yahayna xafiiska ugu shaqada badan oo labada galinba u shaqeeyo muwaadiniinta reer Somaliland tan iyo maalintii la aasaasay.

Sidoo kale waxa bandhig loogu sameeyay Agaasimaha Guud, warbixin ka hadlaysay:-

➢ maalintii la aasaasay xafiiska guud ee kaadhka aqoonsiga Muwaadinka,

➢ caqabadihii kala duwanaa ee soo waajahay xafiiska mudadaas uu shaqaynayay iyo

➢ dhammaan wixii horumar ah ee uu ku tallaabsaday xafiisku sida:

✓ kor u qaadida iyo sugida xogta muwaadinka oo ah ta ugu muhiimsan ee uu xafiisku u qaabilsanyahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

✓ isku xidhka systems-ka kale ee dawladda iyo sida ay hay’adaha dawladdu uga faaidaysteen Xogta Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka si qof walba u yeesho hal xog oo isku mid ah.

Ka bacdi markii uu warbixintaas ballaadhan agaasimaha guud ka dhagaystay shaqaalaha xafiiska guud ee bixinta kaadhka aqoonsiga muwaadinka waxa uu ku ammaanay shaqada ay qaranka u hayaan, waxana uu ku dhiiri galiyay inay shaqada halkaas kasii wadaan kana sii horumariyaan wixii dhiman isaguna uu kala shaqayn doono wax kasta oo ku saabsan horumarka xafiiska iyo dhamaan xafiisyada kale ee hoos yimaad xafiiska guud ee kaadhka aqoonsiga muwaadinka.

 

Leave a Reply