Ciidanka Dabdamiska oo Damiyay Dabka-kacay Guri Jiingad ah oo ku yaala Xaafada Sheekh Madar

0
328

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa, ayaa ku guulaystay bakhtiinta guri jiingada oo ku yaala xaafada Sheekh Madar kadib markii dabqabsaday.

Dabka gurigan qabsaday oo si dhakhsaha u fidiyay, isla markaana ay cabsi weyni ka haysay dadka jaarka ayay daqiiqado kadib bakhtiyeen xilligii uu dabku qabsaday.

Ma jiro wax khasaare nafeeda oo dabkaasi sababay, waxaana baadhista sababtii dabkan dhalisay gacanta ku haya ciidamada booliska Somaliland.

Ciidamada dabdamisku waxa ay bulshada ugu baaqeen in ay siweyn uga daxadaraan halista dabka, kana feejignaadaan waxkasta oo sababi kara in u dab dhasho.

Ciidamada dabdamiska caasimada Hargeysa ayaa had iyo jeer heegan buuxa ugu jira badbaadinta bulshada caasimada qaybaheeda kala duwan, iyaga oo uga gurmada xaalado kala duwan oo bulshada soo wajaha.

 

Leave a Reply