Guddiga Heer Qaran ee Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo Go’aamo ka soo Saaray Dhismaha Suuqa

0
313

Suurtagal maaha in Suuqa Waaheen sii xidhnaado, Dawladda waxaa ka go’an in Suuqu furmo oo dhaq-dhaqaaqi Ganacsi sidiisi u bilaabmo.” Maayerka Caasimadda

Hargeysa-(Dawan);- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa ku wargeliyey mulkiilayaasha dhulka ku leh suuqa waaheen inay laba iyo labaatanka bishan Oktoobar ku soo dhammaystiraan heshiiska dhismaha dhulkooda.

Kulan shalay Guddida Heer Qaran ee Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen iyo guddiga farsamo ay kaga hadleen halka uu marayo hawlaha dib-u-dhiska suuqa Waaheen ayaa soo saaray go’aamo la xidhiidha bilowga dhismaha suuqa Waaheen.

Wasiirka Diinta Sheekh Albaani oo ka hadlayey go’aamada ay soo saareen ayaa sheegay inay ku wargelinayaan mulkiilayaasha afar sekedood oon qaadan nashqadii dhismaha dhulkooda inay qaataan, wixii ka qabyo ahna kala fadhiistaan guddida farsamo.

Waxay guddidu ku wargelisay mulkiilayaasha qaatay nashqadahii dhismaha dhulkooda inay muddo 10 maalmood ah ku soo dhammaystiraan heshiiskii dhismaha, si guddida heer qaran u bixiso taageerada 45% boqolkii dhaqaalaha ku baxaya.

Wasiirka Diinta Sheekh Albaani ayaa sheegay in ciddii mudadda tobanka maalmood ah ku keeni wayda heshiiska dhismaha dhulkooda inay guddiga heer qaran u xuli doonto shirkado hawshii dhismaha qabta.

“Dadka iska leh Sakadaha Suuqa Waaheen ee aan qaadan Nashqadaha, waxaan ku wargalinaynaa inay si degdeg ah u qaatan ” Wasiir Sheekh Albaani

Maayerka Caasimada Hargeysa Mudane. Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay si hawsha dib-u-dhiska suuqa waahen isku wakhti u bilaabmo in dadka aan weli dhamaystirin naqshada dhulkooda wakhtiga loo cayimay inay ku soo dhamaystiraan.

“Suurtagal maaha in Suuqa Waahen sii xidhnaado, Dawladda waxaa ka go’an in Suuqu furmo oo dhaq-dhaqaaqi Ganacsi sidiisi u bilaabmo, si taasi inoogu Suurtagasho Ganacstadu waa in ay u dhug’yeeshaan ogaysiiska Gudida” ayuu yidhi Maayerka Caasimada Hargeysa.

Waxa la doonayaa suuqa qeybta dawladdu leedahay iyo qeybta ganacsatadu leeyahiin inay mar dhismahoodu wada bilaabmaan

 

Leave a Reply