Horyaalka Caasimadda: Kooxda Baanka oo u Awood Sheegatay Naadiga Ganacsiga

0
144

Ciyaar ka mid ah horyaalka heerka koowaad ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee ka socda garoonka kubadda cagta ayaa shalay waxa kooxaha Baanka iyo Ganacsiga.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh ayaa waxay labada naadi soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo u badnayd weerar iyo weerar celis.

Daqiiqadii 32aad ee qaybtii hore ee ciyaartay ayay kubad la isku celceliyay uu dhaliyay laacibka Khaalid Xanjo, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1—0 ay hogaanka ku qabteen kooxda Baanka.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay hal gool iyo waxba ay hogaanka ku haysay kooxda Baanka.

Isku soo noqodkii qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabantay jawi degan, waxaanay kooxda Ganacsigu samaysay bilawgii qaybta dambe ee ciyaarta isku day ay ku doonayso inay keento goolka hogaanka lagaga hayay.

Daqaiiqadii 64aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa kubad laagga xorta ah oo loo dhigay kooxda Baanka waxa madax qurux badan ku dhaliyay laacibka Khadar Cismaan, waxaanay ciyaartu noqotay 2-0 ay hogaanka kusii dheeraysatay kooxda Baanku.

Daqiiqadii 68aad ee isla qaybtii dambe ee ciyaarta isla Khadar Cismaan laacibkii goolkii labaad dhaliyay waxa uu gool ku hubsaday shabaqa kooxda Ganacsiga, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-0 ay ku raaxaysanaysay kooxda Baanka.

Daqiiqadii 82aad ayay kooxda Ganacsigu keentay goolkoodii koowaad, kaasoo uu u saxeexay laacibka Axmed Gaacuuro, waxaanay ciyaartu noqotay 3-1.

Isla daqiiqadii 83aad ayay kooxda Ganacsigu goolkii labaad keentay waxaanay natiijadii ka dhigtay 3-2, waxaana goolkaas u saxeexay Maxamed Taango.

May hadhi kooxda Baanku balse goolkoodii Afraad oo ay ugu quusgooyeen kooxda Ganacsiga ayay keeneen daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray markay dhamaadeen 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, daqiiqadahaas oo ahaa 3 daqiiqo oo keliya ayay daqiiqadii 93aad ayuu dhaliyay laacibka Cabdiwahaab, kaasoo ahaa gool ku laad loo qabtay kooxda Baanka, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday kooxda Baanka.

Leave a Reply