Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo la wareegay mashruuc IGAD maalgelisay oo Save the Children fulisay

0
209

Hargeysa-(Dawan);- Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Mudane. Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay inay daryeeli doonaan mashruuca lagu wareejiyey, isla markaana gaadhsiin doonaan dalka oo dhan ka faa’iidaysigiisa.

Mudane Siciid oo hadal ka jeediyey munaasibad shalay Wasaarada Xannaanada Xoolahu kula wareegaysay mashruuc Urur-goboleedka IGAD maalgeliyeen, isla markaana Hay’adda Save The Children fulisay ayaa sheegay inuu wax badan ka tari doono sidii xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaheena loo daryeeli lahaa.

Wasiir Sulub ayaa sheegay inay Wasaaradda Xannaanada Xoolahu qaadi doonto masuuliyadda dayactirka iyo ilaalinta gaadiidka iyo dhismeyaasha mashruuca ee lagu soo wareejiyey.

“Waxaan ballanqaadaynaa inaan daryeelno wi0xii imika naga soo gaadhay mashruuca, dalkana wada gaadhsiin doono ka faa’iidaysigooda.”

Wuxuu sheegay in dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka ay meel u dhow ka helayaan dawaddii, iyo dhakhaatiirtii xoolaha. Waxaanu u mahadceliyey dhamaan intii ka qeybqaadatay maalgelintiisa iyo fulinteeda.

Mashruuca u Adkaysiga Abaaraha iyo Joogteynta Habnonoleedka oo ay iska kaashanayeen Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo hay’adda Save The Children oo  IGAD maalgelisay ayaa Wasiir Mudane. Siciid sheegay inay 40 kun oo dadka xoolo-dhaqatadu ka faa’iidaysan doonaan.

Dhismayaasha Sayladda xoolaha ee Hargaysa, Xarumaha karantiinka ee Degmooyinka Sallaxley, Faraweyne, iyo dhismayaasha Xafiisyadda Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Oodweyne iyo Balli-gubadle, iyo  saddex baabuur oo ay ugu talo-gashay gurmadka Caafimaadka Xoolaha ayey la wareegeen madaxda Wasaarada Xanaanada xoolahu.

Mudane Cabdinaasir, madaxa hay’adda Save The Children, Dr Muxiyadin Daha madaxa Beeraha iyo Cuntada IGAD iyo masuuliyiin kala duwan ayaa sidoo kale madasha hadallo ka jeediyey.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply