Somaliland: Sanduuq Dhaqaale oo loo Sameeyay Dadka Maanka ka Buka

0
211

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ganacsatada Qaadka keena Somaliland ay u istaageen sidii ay Kiloogii Qaadka ahba shan boqol oo shilin in loogu daro dadka maanka ka buka.

 

Wasiirku waxa uu xusay in ujeedada laga leeyahay lacagtan calaa kiloo loogu daray dadka Maanka ka buka ay tahay si loogu daweeyo dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay.

 

Geesta kale waxa uu tilmaamay in sanduuqan dadka maanka ka buka lacagta ganacsatada Qaadku ugu deeqday loogu ururinayo ay samaysay wasaaradda horumarinta maaliyaddu.

Waxaanu yidhi.“Ganacsatadeena qaadka ayaa iyagoo  iskood isu xilqaamay waxay  soo jeediyeen in Kiloogii Qaadka ahaaba shan boqol oo shilin loogu daro dadka maanka ka buka, waa lacag fiican isla markaana maaha lacag dabooli karta dadka maanka ka xannuunsanaya baahiyahooda oo dhan, balse waa bar bilow wanaagsan waxaanay tusaale fiican u tahay waxaynu qabsan karno innagu.

Had iyo jeer waxa la yidhaahdaa ganacsatadu waa dad la baxsada cashuurta balse waxa ay noqdeen tusaale.

Qaadku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha sii xumeeya dadka Maanka ka buka, waana masiibo, illaa 40 milyen oo Qaad ah ayaynu sannadkasta soo iibsanaa, marka lacagtan loogu daray Kilo kasta oo qaad ah waxa ay tahay si loogu daweeyo dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay.

Sanduuq gaar ah ayaa loo sameeyay walaalaheena xannuunka Maskaxda qaba, si wax loogu qabto, sanduuqa markii hore fikirkeedu waxa uu ka yimid wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland,”

Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay mar uu ka qayb galay maalinta xuska dadka maanka ka buka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Tallaabadan ayaa ah mid wax weyn ka tari doonta adeeg bixintii dhinacyada caafimaadka iyo baahiyaha kala duwan ee dadka maanka ka buka.

Leave a Reply