Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo Burco ka furay Kulan Muhiim ah

0
140

Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliand Maxamed Cabdilaahi Ducaale, ayaa shalay magaaladda Burco ka furey kulan hawleedka Wacyigalinta Illaalinta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.
Kulankaasi ayaana loo qabtay xubno ka kala socday degmooyinka Burco, Caynaba, Oodweyne, Laascaanood iyo Sheekh.
Kulan Hawleedkaas oo kuwo la mid ah loo qabtey gobolada Awdal, Selel, Gabiley, Saaxil iyo Maroodijeex, ayaa looga dan leeyahay in Wacyiga Illaalinta Deegaanka ee heer bulsho lagu dhiso.
Waxaanu kulankani qayb ka yahay qorsheyaasha ay wasaaradda deegaanku ku xoojinayso sidii xukuumadda dhexe iyo dawladaha hoose ee dalku ay uga wada shaqayn lahaayeen ilaalinta deegaanka, iyo wacyigelinta bulshadda ee la xidhiidha isbedelka cimiladda.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdilaahi Ducaale, oo kulankaasi furay ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in casharada ay kulankaasi ku qaataan in ay degmooyinkoodda iyo bulshada ba kula noqdaan, isla markaana ay xog iyo macluumaad ka siiyaan ilaalinta deegaanka.

Dhinaca kale kulan hawleed la xidhiidha Wacyigalinta Ilaalinta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Boorama ayaa shalay la soo gebagabeeyay.

Kulankaasi ayaana loo qabtay xubno ka kala socday degmooyinka Boorama, Saylac, Baki, iyo Boon. Kaasoo qayb ka ah barnaamijka wacyigelinta dawladaha hoose ee ilaalinta deegaanka

 

 

Leave a Reply