Wasaarada Hawlaha Guud oo Saddex Magaalo ku Wareejisay Master plan ka

0
199

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada hawlaha guud Dhulka iyo Guriyaynta ayaa shalay si rasmiya ugu  wareejisay Maamulka Magaalooyinka Balli-gubadle Alleybaday Iyo Xariirad Master palan kii Wasaarada u samaysay.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud dhulka iyo Guriyaynta  Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku dabogali doonaan Magaalooyinkaa nashaqaynta lagu soo sameeyay,

Maxamuud Warsame Jaamac oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Wasaaarada hawlaha guud Dhulka  iyo Guriyaynta waxa ay wareejinaysaa nashqadaynta Magaalooyinka Baligubadle Allaybaday iyo Xariirad,wasaarada iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda dastuuriga ee ay qaranka ay u xilsaaran tahay waxa ay nashqadayn ka soo samaysay Magaalooyinka saddexda degmo ee  Baligubadle Allaybaday iyo Xariirad taas oo muddo badan ka socotay,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka ayaa waxa uu uga mahadnaqay Injiineerada Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee shaqadan  naqshadaynta magaalooyinkaaas  ka soo qabtay.Waxaana uu yidhi”Waxaana aan u mahadnaqaynaa Injiineerada iyo hawl wadeenada  Wasaarada hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta ee shaqadan  naqshadaynta magaalooyinkaaas  ka soo qabtay.waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Maayarada iyo Guddoomiyayaasha Magaalooyinkaa oo ka gacansiiyay injiineerada Wasaarada shaqadan.waxaaana shaqadan loo qabtay in magoolinkeenu qurux badnaadaan oo Magaalooyinka Caalamka u ee kaa daan. waxaana ka go,an Wasaarada Hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta  in la daadajiyo quruxda Magaalooyinka ,waana in shaqadani u fusho sidii loo soo qabtay Wasaarada hawlaha guud way kormeeri doontaa naqshadayntaas,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply