Agaasimaha Guud Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo Kulan la yeeshay Madaxda ugu Sarreysa Hay’adda DANIDA

0
275

Hargeysa- (Dawan);- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan oo ay wehelinayaan Agaasimeyaasha waaxyaha Qorsheynta iyo illaalinta Asaarta Qadiimka ah ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay’adda DANIDA ee Somaliland, Mathias Kjaer iyo La-taliyaha koboca dhaqaalaha ee hay’addaas Ms. Marianne Vestergaard.

Kulanka masuuliyiinta wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku ay la yeesheen madaxda DANIDA ayay kaga wada hadleen iskaashiga dhinaca isku-dubbarridka wadaagaha dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah, si loo fududeeyo ganacsiyada kala duwan, isla markaana ay ula jaanqaadaan qaababka horumaray ee wax kala iibsiga caalamka.

DANIDA iyo saaxiibbada kale ee Somaliland waxa ay wasaaradda ka taageeraan casriyaynta nidaamka diiwaangelinta ganacsiyadda iyo maamulkooda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdirashiid Ibraahim iyo agaasime waxeedyada qorsheynta iyo asaarta qadiimka ah ayay guud ahaan kaga wada hadleen labada dhinac sidii si wadajir la iskaga kaashan lahaa hirgelinta hababka casriga ah ee ganacsiga iyo xilligan adduunka ka shaqeeya, isla markaana loo adeegsan lahaa aaladaha kala duwan ee tignoolajiyad

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply