David de Gea oo Sharraxay Waxa uu Casemiro kusoo Kordhiyey Manchester United

0
194

Goolhaye David de Gea ayaa daboolka ka qaaday hal arrin oo uu Casemiro kusoo kordhiyey kooxdiisa Manchester United oo uu kulankii koowaad ee  Premier League ugu soo bilowday Axaddii oo ay guul cidhiidhi ah kasoo gaadheen Everton.

Erik ten Hag ayaa fursaddii muddada la sugayay siiyey Casemiro ciyaartii Everton oo u ahayd kulankii koowaad ee horyaalka ee uu kusoo bilowdo kaddib dhawr ciyaarood oo horyaalka ah oo uu beddel ku yimid. Waxa uu ka garab ciyaaray Christian Eriksen iyo Bruno Fernandes iyadoo uu McTominay kursiga kaydka fadhiyey.

Kubbad-burburiyaha reer Brazil ayaa ku guuleystay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta, waxaase uu sidoo kale kusoo bilaaban doonaa Axadda oo ay Newcastle United marti u noqon doonaan maadama uu ganaax ku maqan yahay McTominay oo ay u buuxsameen tirada kaadhadhka digniinta ah ee qasabka ka dhiga in hal kulan uu ciyaartoygu ganaax ku maqnaado.

David De Gea oo wax laga weydiiyey Casemiro ayaa sheegay in uu kusoo kordhiyey hal arrin oo ay aad ugu baahnaayeen oo ah khibrad ka caawinayasa in ay hore u socdaan.

Goolhayaha Spain oo la hadlayay BT Sports ayaa yidhi: “Waxa uu noo keenay khibrad aad u badan. Wax walba ayuu kusoo guuleystay. Waa ciyaartoy deggen marka  uu garoonka ku jira, ciyaartii Everton-na xataa kaddib qaladkii uu sameeyey ee goolka la nagaga dhaliiyey, waxa uu ku guuelysanayay kubadda mar walba.

“Waxa uu caawiyey kooxda, kubbado badanna wuu ka xoogay. Khibradda uu leeyahay aad ayay u badan tahay, in badan ayaanu kooxda caawinayaa.”

Leave a Reply