Degmada Huluul ee Gobolka Sanaag oo Macdan Qodis laga Bilaabayo

0
243

Ceerigaabo (Dawan):-Degmada Hulul oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa si rasmiya looga daahfuray qodista macdanta Ladhka.

Munaasibadii daahfurka macdanta Ladhka waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Sanaag, agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta, maamulka Ceel-Afweyn iyo masuuliyiin kale.

 

Mashruucan macdan qodista ah ee laga daahfuray degmada Huluul ayay qodi doonta shirkad caalami ah.

Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo bulshada degaanka ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo horumarinta degaanka iyo arrimaha la xidhiidha macdan qodista uu gobolka Sanaag iyo degaanada hoos yimaada hoddanka ku yihiin.

 

Mashruucan qodaalka macdanta ayaa bulsho badan oo degmada Huluul ah iyo degaanada  ku teedsanba u noqon doona shaqo abuur.

 

Leave a Reply