Askari ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo Beeniyay warar Baraha Bulshada lagaga Qoray

0
289

Hargeysa (Dawan) Dayib Muxumed Aw Xasan oo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana ka mid ah ciidanka hub ka dhigista degmada Gabiley, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxa uu sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimi qalliin la doonayay in lagaga daweeyo bog dilaac, isla markaana hadda uu diyaar u yahay in uu galo qalliinkii.

Waxaanu wax laga xumaadu ku tilmaamay in baraha bulshada loo adeegsado sawirkiisa isla markaana been laga sheego,taasoo uu sheegay in cidda falkaa samaysay in ay tahay cadawga Somaliland oo duulaankii uu dalka ku hayay u adeegsaday baraha bulshada in been abuur laga sameeyo.

 

Geesta kale waxa uu sheegay in ciidanku mushaharka ay qaataan bisha oo aan dhammaan, taasina ay tahay wax ILLAAHEY loogu mahadnaqo.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in ciidanka Qaranka Somaliland ay helaan daryeel ku filan.

 

Waxaanu yidhi.“Anigu mushahar maan waayin balse waan xannuunsanayay dhakhtarkii aan qalliinka ka gelayay ayuunbaa igu yidhi kuma jirtid bukaanada maanta qalliinka loo sameynayo, ee barri maaha ee saha danbe soo noqo,markaas  ayaan cadhooday.

Waxa la iga qalayayna bog dilaac ayuu ahaa, mushaharkaygana waan qaataa.

Taliyahayguna si fiican ayuu ii soo ambabixiyay, waxa la sheegayo ee baraha bulshadu ku xidhiidho la wareejinayana waxba kama jiraan, waxa sidaas sameynayaana waa cadaw innagu soo kordhay.

Daryeelka ciidanka Qaranku aad iyo aad ayuu u wanaagsan, Alxamdulilaah ILLAAHEY ba mahad leh, daryeel la’aani nama hayso madaxdayadana ILLAAHEY ayaa noo barakeeyay oo waxaasi la sheego shaqo kuma lihin.

Iyada oo aanay bishu dhammaan ayaanu mushaharkayaga qaadana,”

 

Leave a Reply