Duruufuhu ma Bedelaan Dhaqanka Qofka?!

0
212

Waxay istaagtay ninkeeda dhiniciisa iyadoo faraxsan, xaaladooda nololeed ayaa noqotay heer   sare  ka dib saboolnimo muddo badan ku soo jireen. Waxay kaydsadeen hanti badan, mar kasta oo uu guriga ku soo noqdo isagoo faraxsan wuxu caado u lahaa inuu yidhaa “ Nin kasta oo weyn gabadh ayaa ka danbaysa”, si uu gabadhiisa ugu raali geliyo halgankii ay nolosha kala soo gashay.

Markasta oo guul gaadho haddana tu kale ayuu uga sii gudbayay ilaa uu gaadhay heer aad u sareeya oo aanu saboolnimo danbe filayn, laakiin markaasi ayuu bilaabay inuu badiyo faanka   iyo inuu ku dheedheelo masaakiinta iyo kuwa baahan, gabadhiisa ayaa u muujisay sida ay uga xun tahay dhaqankiisa cusub ee aan naxariista lahayn kibirkuna ku jiro.

Markii uu arkay inay ka xun tahay ficiladiisa wuxu bilaabay inuu u cadhoodo iyadana, waana uu u adkaysna waayay weedhaheeda runta ah, xidhiidhkooduna wuu xumaaday. Dadkii qaraabada iyo  jaarku waxay ogaadeen inuu isaga yahay kan khaladka samanayaa , laakiin marka kasta kibirkiisu wuu sii kordhyay.

Markii ay aragtay in aanu xal  jirin waxay arintu noqotay inay lamaanihii sidaasi ku kala tagaan. Xusuusta wakhtiga adag marka ay dad badani ka baxaan waxay ku bedelaan kibir iyo isla weyn, taasi oo inta badan ku soo celisa halkii uu k dhaqaaqay. Duruufaha kala duwan ayaa qofka aan caqliga badan lahayn bedela, kaasi oo muuqda laba qof.

Leave a Reply