Dawlad Xoog ah ayuu Kartidiisa Ku Dhisay !

0
205

Mr. Chaim Azriel Weizmann (27 Noofambar 1874 – 9 Noofambar 1952) waxa uu ahaa Hogaamiyihii Ururka Sahyuuniyadda isagoo markii danbena noqday madaxweynihii u horeeyay ee Dawladda Israa’il.

Chaim Azriel Weizmann wuxu ku dhashay tuulada Motal ee ku taalla dalka Belarusia oo ka mid ahayd boqortooyadii Ruushka bishii Novemeber 27, sanadkii 1874,. Waxaana uu ah kan sadexaad caruurtii aabihii dhalay oo 15 ka kooban.  Aabihii Rachel Czermerinsky Weizmann wuxu ka gancsan jiray Alwaaxda iyo qoryaha.

Dugsiga sare wuxu ku bilaabay isagoo 11 sano jiray, laakiin markii 18 jir noqday ayuu safray dalka Jarmalka sanadkii 1892 isagoo maadada “chemistry-ga”  ka bartay mac-hadkii Polytechnic Institute ee Berlin. Intaasi ka dibna wuxuu u sii gudbay dalka Switzerland oo uu ku diyaariyay shahaadada PHD sanadkii 1899  Jaamada “University of Fribourg” waxaana uu kaaliye Macalin ka noqday Jaamacadda University of Geneva. . Intaasi ka dibna dalka Ingiriiska ayuu u wareegay isagoo doonayay inuu jaamacadda Manchester ka noqdo professor wax ka dhiga.
Waxyar ka dib, dalka ingiriiska waxay siiyeen dhalashada ingiriiska.

Weizman wuxu bartay cilmiga “Biochemistry” sidas awgeed wuxu noqday cilmi baadhe caan ah siyaasadana aan shaqo ku lahayn beryahaasi. Wakhtigiisa inta badan wuxu ku qaadan jiray baadhista isagoo qori jiray daraasada ku saabsan bakteeriyda. Markii dagaalkii koowaad bilowday sanadkii 1914, wuxu ogaaday baahida loo qabo dhamaan wixii dagaal ku lug leh sida walxaha qaraxa, wuxuuna awoodda saaray isagoo adeegsanaya awoodiisa aqooneed sidu arinkaasi ugu guulaysan lahaa oo kimikooyinka isugu dari lahaa.

Weizmann wuxu ku guulaystay inuu sameeyo maado laga khamiiriyay bakteeriyada loona yaqaan “acetone” taasoo udub dhexaad u ah samaynta walxaha qarxa, oo haddii ay u suura gasho inuu ka sameeyo tiro aad u badan looga bixi karo baahida ka jirtay dunida wakhtigaasi. Waana uu ku guulaystay.. Weisman wuxu yeeshay dhamaan goobaha lagu wershedeeyo baaruuda Qaraxada oo dawladdu ka taageertay, ka dibna Ingriiska wuxu heshiis kul agalay sanadkii 1914 haddii uu Yuhuudda ku wareejiyo dhulka Falasatiin inuu lacag la’aan ku siin doono dhamaan baaruudda Qaraxada ee uu adeesganayo dagaalka waana ogolaaday.

Weisman waxuu adeegsaday aqoontiisa, wuuna ku gorgortamay illaa ay dawlado waawayn u dhameeyaan danahiisa iyo wixii uu niyadiisa iyo tan dadkiis ku jirtay

“Chaim Weizmann” isaga ayaa ka sexeexay dowlada Britian in ay Yahuuda dagto dalka Falastiin, waana ninkii dowladda Maraykanka ka dhameeyay in dowlada cusub ee Israel ay aqoonsato dawladaha dunida ku dhaadhiciso inay aqoonsdaan.  Waxaan uu noqday madaxweynihii u horeeyay ee Israel sanadkii bishii February 17, 1949, waxaana uu dhintay,  9 November sanadkii 1952. Dunida dano aya ala is dhaafsadaa, markaad hami weyn leedahayna waa inaad hawl weyn oo baahi ku abuuraysa dunida kale keenta.  (wikipedia.org).

 

 

 

 

Leave a Reply