Horyaalka Caasimadda: Kooxda Goodir oo u Awood Sheegatay Warfaafinta

0
278

Horyaalka caasimadda heerka koowaad oo maraya meel aad u xiiso, isla markaana lagu hirdamayo kulamadii u dambeeyay ee horyaalka ayaa shalay waxay ciyaar ka mid ah todobaadka 16aad ku dhexmartay garoonka Hargeysa kooxaha Goodir iyo Warfaafinta.

Kooxda Goodir oo ah kooxda haysata horyaalkii heerka 1aad ee sanadkii hore, isla markaana ah mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan caasimadda, halka kooxda Warfaafintu ay tahay kooxda iyaduna haysata horyaalkii heerkii 2aad ee sanadkii hore, isla markaana sanadkan la kawsatay ciyaaraha heerka koowaad.

Ciyaartan dhexmartay labada kooxood ee Goodir iyo Warfaafinta ayaa ahayd mid xamaasad badan, waxaana  daqiiqadii 10aad ee qaybtii hore ee ciyaarta gool si fiican la isugu dhiibtay ka dhaliyay Warfaafinta xidigga kooxda Goodir ee lagu magacaabo Cabdicasiis Qucle, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0 ay hogaanka kula wareegeen kooxda Boolisku.

Daqiiqadii 21aad ee isla qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda Goodir keeneen goolkoodii labaad, waxaana u saxeexay laacibka Cabdisamad Cuddo, waxaanay hogaanka kusii dheeraysteen 2-0.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay ku kala nasteen labada kooxood.

Isku soo laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta, waxay kooxda Warfaafintu samaysay isbedel kubaddeed oo u badnaa weerar, kaasoo ay sameeyeen isku day badan oo ay ku doonayeen inay goolal ku keenaan.

Ugu dambayn ciyaartan todobaadka 16aad ee horyaalka heerka koowaad ee caasimadda ee Goodir iyo Warfaafinta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay dhibcaha ku qaadatay kooxda Goodir.

Leave a Reply