Kooxda Wasaaradda Ganacsiga Gobolka Awdal oo ku Guuleysatay Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta

0
200

Tartanka koobka xidhiidhka kubadda cagta ee gobolka Awdal ayay ku guuleystay kooxda wasaaradda Ganacsiga ee gobolkaas.

Tartankan oo ay kulankii u dambeeyay isugu soo hadheen kooxaha wasaaradda Ganacsiga iyo wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Awdal, ayay ciyaar adag oo shalay ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee magaalada Boorama, ciyaartaas oo 45-kii daqiiqadood ee qaybtii hore ee ciyaarta ay labada kooxood isla dhaafi waayeen 0-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood wasaaradda Ganacsiga iyo wasaaraddda Maaliyadda ee gobolka garoonka lasoo galeen dardar iyo kubaddo u badan weerar iyo weerar celis.

Daqiiqadii 83aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa laacibka Hadi Yare oo lambarka 9aad uga ciyaara kooxda wasaaradda Ganacsiga waxa uu madax ku hubsaday shabaqa kooxda wasaaradda Maaliyadda, waxaanay ciyaartu xilli xasaasi ah noqotay 1-0 ay hogaanka ku qabatay kooxda Ganacsigu.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybtii dambe ee ciyaarta, ka dib markii ay dhamaadeen 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa, isla markaana shan daqiiqo lagu daray ayay kooxda wasaaradda Maaliyadddu keentay goolkoodii barbar dhaca, kaasoo uu xilligii dhimashada u saxeexay laacibka afka hore ee lagu magacaabo Cabdilaahi, isla markaana sita lambarka 9aad, waxaanay ciyaartu ku idlaatay 1-1 ay isku barbar dhaceen.

Waxa labada kooxood ee wasaaraddda Ganacsiga iyo wasaaradda Maaliyadda loo dhigay gool ku-laad, kaasoo ay guushu ku raacday kooxda wasaaradda Ganacsigu, isla markaana ay ku qaaday koobka xidhiidhka kubadda cagta ee gobolka Awdal.

Leave a Reply