Waxa la is-waydiinayaa cidda ku kalsoonaanaysa Mucaaradka Diiday labada sano ee la Kordhiyay.” Cabdirashiid Riyo raac

0
311

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka  Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo raac ayaa sheegay in ay khalad tahay in Xisbiyadda Mucaaradku yidbaahdaan ma aqoonsanin Xukuumadda.

Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo raac ayaa  tilmaamay in lays waydiinayo cidda ku kalsoonaanaysa Xisbiyadda Mucaaradka  ah ee diiday labadii sano ee loo  kordhiyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland

Cabdirashiid  Riyo raac oo Arimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi”Shantii sano ee la soo dhaafay aqoonsi rasmiya Xukuumaddu kamay helin Xisbiyada Mucaaradka,sababta oo ah illaa Maalintii doorashada lagu kala guulaystay jabhadaa dilaacay shir beeleed ayaa ka dambeeyay mudaharaad ayaa dhacay.waxaaanay ku dhawaaqeen  hadalo ka baxsan Siyaasadda oo ay ka mid ahaayeen waanu amaahinay iyo Umadda ayaanu u tudhnay.Komishankii hore  labo sano ayaa la haystay marka waxaa aad isku gayso waxa ay u muuqataa in shantaa sannadood  aqoonsi iyo wada shaqayni jirin haddii  la diido nidaamka la raacayo iyo hay,adaha dawladda waa khalad,waxa lays waydiinayaa cidda ku kalsoonaanaysa Xisbiyada Mucaaradka ah hadii ay yidhaahdaan ma, aqoonsinin labada sano ee loo kordhiyay Madaxweynaha,waxa ay doonayaan Xisbiyada Mucaaradku  in dalka ay xukumaan oo doorasho galaan.waxaana guud ahaan bulshadeena ka qaldan tartanka marka la galo ee qofka la doorto maalinta la doorto ayaa qaylo iyo wada shaqayn la,aan lagu bilaabayaa,waxaana arintaasi khusaynaysaa horumarkii qaranka ayaa xumaanaya,”

 

 

 

 

 

Leave a Reply