Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo soo Dhaweeyay Maayerka Degmada Brent

0
432

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qaabiley   Cabdifataax Nuur Aadan, oo ah maayerka degmada Brent oo ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kulanka uu la yeeshay maayerka degmada Brent, waxa ku wehelinaayay xildhibaano ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiillada, waxaana kulankaas lagaga hadlay horumarinta magaalooyinka Somaliland.

Cabdifataax Nuur maayerka degmada Brent, ayaa ka  mahadceliyay  sida loogu soo dhaweeyay  Somaliland, waxaanu xusay inay jiraan dedaal horumar ka socda magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxaanu ballanqaaday in uu diyaar u yahay wax la qabashada goleyaasha degaanada ee dalka.

Maayerka degmada Brent oo hawlo shaqo u jooga caasimada Hargeysa ayaa la filayaa in muddada uu joogo uu kulamo la qaato qaar ka mida maayerada dalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply