Wasaaradda Dastuurka Oo 300 Oo Dhalinyaro ah U Furtay Barashadda Waddaniyadda

0
262

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa xaflad soo dhawayn ah u qabatay 300 oo dhalinyaro ah oo loo carbinayo barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Dhalinyaradani oo noqonaya dufcadii labaad ayaa wax ku baran doonta Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Somaliland oo hoos tagta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha

Xaflad balaadhan oo loo qabtay dhalinyaradani oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Waxa kaloo xafladaasi soo dhawaynta ah ka soo qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, xoghayaha dawlada hoose ee Hargaysa, iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradan 300 boqol ah ee baran doona dastuurka Somaliland iyo waddaniyadda.

Waxaanu wasiirku u rejeeyay dhalinyaradaasi in ay dhamaantoodba noqfaan masuuliyiin dalka iyo dadkaba u shaqeeya, oo aqoon iyo faham u leh dastuurka dalka xeerarka iyo shuruucda ka farcama, iyo waddaniyada ba.

DAAWO: Hadalkii Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL:

 

 

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, oo iyadna xafladaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay dhalinyaradan la barayo dastuutka iyo waddaniyadda.

Agaasime Deeqa, ayaa tilmaantay in ardaydani ay noqonayaan dufcadii labaad, iyadoo hore ay uga qalin jebiyeen barashadda dastuurka iyo waddaniyadda  3000 oo Arday oo ay wasaaraddu isugu gaysay wixii ay tacab haysay.

 

DAAWO: Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka:

Leave a Reply