Madaxdhaqameedka Degmada Dacarta oo taageeray muddo-kordhinta madaxweynaha iyo guurtida

0
414

Dacarta (Dawan)-Madaxdhaqameedka  iyo Waxgaradka Degmada Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa  kulan-warbaahimeed ay ku qabteen magaalo-madaxda degmadaasi, ku soo  dhaweeyey muddo-kordhinta ay golaha guurtidu u sameeyeen madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku-xigeenka, waxaanay ku tilmaameen go’aan masiiri ah oo dalku kaga badbaaday inuu sii daba-dheeraado oo uu soo afjarmi waayo khilaafka Doorashooyinku.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka ayaa sidoo Kale golaha guurtida ku amaanay doorka lama hurraanka ah ee ay qaranka ugu jiraan, isla markaana laf-dhabarta ugu yihiin xasiloonida iyo midnimada dalka, waxaanay sheegeen in madaxweyneyaashii hore marka uu sidan oo kale wakhtigu uga dhamaado, iyadoo aan la qaban Karin doorasho  loo kordhin jiray muddo-xileedka, sidaasi awgeed aanay jirin sabab looga soo horjeesto tan madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa.

Chief Caaqilka guud ee bulshada degmadaasi chief Caaqil Farxaan Cabdi Cabdilaahi iyo xubno kale oo madaxdhaqameed ah oo kulankaasi ka hadlay, ayaa u soo jeediyey shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland inay ilaaliyaan midnimada iyo nabad-gelyada dalkooda, dawladdana lagu garab siiyo deddaalada horumarka ah ee ay waddo.

Geesta kale madaxdhaqameedka waxay farriin u direen Xisbiyada Mucaaridka iyo taageerayaashooda oo ay u soo jeediyeen inay isdejiyaan, isla markaana suggaan wakhtiga Doorashada la qabanayo, wixii ka horeeyana aanay dhibaato iyo xasilooni-darro abuurin.

“muddo-kordhintaa loo sameeyey madaxweynaha iyo golaha guurtida waanu soo dhaweynaynaa, waana sharci. Horena waatii loogu sameyn jiray madaxweyneyaashii hore, markaa cid kasta oo ka soo horjeeda waxaan leenahay dalku dawlad la’aan jiri mayo, haddii doorashadii dib-u-dhacday”ayuu yidhi Chief Caaqil Farxaan Cabdi-rows.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, ayaa si diiran u soo dhaweeyey muddo-kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo golaha odayaasha xeer-dejinta, kaddib markii ay guddida Doorashooyinku shaaciyeen in aanay 13 November ee sanadkan qaban Karin Doorashada madaxtooyada.

Leave a Reply