Qoraalka iyo Saadaasha Waayaha!

0
264

Waxa badan buugag la qoray qarniyo hore oo lagu soo bandhigay xadaaradda maanta inta oo aan wakhtigaasi la gaadhin, taasi oo qorayaashu ku saadaaliyeen dunida cusub ee maanta la joogo.

Qoraagii Faransiiska ahaa ee lagu magacaabi jiray Jules Verne ayaa sanakii 1863 wuxu qoray riwaayad uu magaceeda u bixiyay Paris iyo qariniga labaatanaad.

Qoraalkaasi ayuu ku sheegay in qarniga 20aaday Paris ka dhismi doonaan fooqyo dhaadheer oo daruuraha ku dhowaada  oo weliba wada quraarad ah, waxa kale oo uu sheegay inay yeelan doonto Tareeno dheereeya iyo gaadiid ku  sheqeeya Gas.

Qorlkaasi waxa kale oo ku jiray inay yeelanayso Paris isgaadhsiin caalamka ay kula wada xidhiidho.  Inta badan aqoonta iyo akhriska badan ayaa keena fikirka saxda ah iyo inuu qofku si xeel dheer ugu muuqdaan arimo badan oo markaasi ka dedean dadka la joogo ama haddii xataa loo sheego ku noqonaysa la yaab iyo waxaan la rumaysna Karin oo weliba aan dhici Karin..

Leave a Reply