Qaab aad u Wanaagsan oo loo Ururiyo Qashinka!

0
241

Maamulayaasha magaalada Berlin ee Jarmalka ayaa sameeyay selado qashinka lagu ururiyo oo daraiiqayada magaalad ay dhigeen oo dadka dhinaceeda maraya ee xashiishka ku rida u mahadnaqaya.

Seledan qashinka marka qofku ku rido xashiish waa mid u jawaabaysaa iyadoo ku odhanaysa :“ Waad mahadsanatahay, waa raashin dhadhan leh” . Seledan ayaa ku qalabaysan Solar-dabka siiya iyo qalabka codka.

Ujeedada ay u doorteen Seleda noocan ah maamlayaashu ayaa ah in la  baro dadweynaha kaftanka iyo in ay xiiseeyaan in ay xashiishka iyada ku ridaan,” . Waxaana ay seledu qofku marka uu daboolka ka qaado ee ku ridyo xashiishka siinaysaa tilmaamao kala duwan iyo faahfaahin nadaafadda la xidhiidha.  Muhimadda ay seledani leedahaya ayay ku tilmaameen maamulayaasha Berlin inay tahay sidii loo ilaalin lahaa nadaafaddas magaalada Berlin. Qaabkan ay ururiyeen qashinka magaalada markii ay fikraddan curiyeen ayaa noqday arrin dunida ku cusub oo lagu daray arrimaha yaabka leh.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply