Real Madrid oo Garaacday Barcelona iyo Wiilasha Xavi oo ku Dhex Lumay Bernabue

0
263

Kulan dhinac kaliya ahaa kooxda Real Madrid ayaa u awood sheegatay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa La Liga kana dhacay garoonka Santiago Bernabue.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid ka awood badnayd dhigeeda Barcelona bilowgii ciyaarta ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Barcelona ayaa u muuqatay koox ku dhex luntay Bernabue xilli sidoo kale Wiilasha Xavi sameeyeen khaladaad dhinaca difaaca ah.

Real Madrid ayaa sidii caadada ahayd ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo Barcelona u dhaafay kubad haysashada xilli ay Barcelona ku dhibaatootay in ay samayso fursado wax ku ool ah.

Daqiiqadii 12-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay kabtankooda Karim Benzema kaas oo shabaqa ku taabtay kubad uu soo celiyay Goolhayaha Barcelona.

Barcelona iyo difaaceeda ayaa sameeyay khaladaad badan oo lagu ciqaabi gaadhay laakiin fursadahaas ayay Real Madrid iska khasaarisay.

Real Madrid ayaa ka faa’iidaystay khalad ay sameeyeen difaacyada Barcelona waxaanay ka dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Federico Valverde kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso dhinaca natiijada xilli ay Barcelona si weyn ugu dhibaatootay kulanka.

Qaybta dambe ayay Barcelona ahayd koox ka dar-dar badan sidii qaybtii hore iyaga oo samaynayay fursado laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay goolal u badalaan fursadahaas.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 52-aad dhalisay gool waxaana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha in uu xiddiga reer France Offside ku jiray.

Kooxda Barcelona ayaa heshay fursado fiican iyaga oo marar badan tijaabiyay goolka Real Madrid laakiin fursadahaas ayaa ahaa kuwo aan goolka soo taaban.

Kadib fursado badan oo ay khasaariyeen, Barcelona ayaa daqiqiadii 83-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo hal gool u soo celiyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta samaysay fursado is daba joog ah iyaga oo marar badan ku dhawaaday in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Real Madrid gashay difaac buuxa,

Daqiiqadii 89-aad ayaa Real Madrid rikoodhe loo dhigay kadib markii xiddiga Eric Garicia khalad ku galay xiddiga Rodrygo kaas oo badal ku soo galay ciyaarta.

Xiddiga Rodrygo ayaa gool u badalay rikoodhada waxaanu ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Kooxda Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid 3/1 ku garaacday kooxda Barcelona si buuxdana hogaanka horyaalka  ula wareegtay kuna qabatay 3 dhibcood oo cadaan ah.

 

 

Leave a Reply