United oo lagu Hakiyay Old Trafford iyo Cristiano Ronaldo oo Laba Gool Laga Diiday

0
263

Manchester United ayaa taako kala kulantay Newcastle United oo ay barbaro goolal la’aan ah ku kala baxeen ciyaar xiiso laheyd oo ku dhexmartay garoonka Old Trafford.

Joelinton ayaa labo jeer oo isku xigta birta u garaacay Newcastle halka labo gool laga diiday Cristiano Ronaldo iyadoo Fred iyo Rashford ay fursado goolal fishay ka qasaariyeen Man United dhamaadkii ciyaarta.

Man United waxay ku jirtaa kaalinta shanaad iyagoo leh 16 dhibcood ka dib sagaal kulan oo ay ciyaareen.

Tababare Erik ten Hag ayaa ku dalbaday ciyaartoydiisa Man United inay kordhiyaan kubad heysashadooda laakiin waxay ahaayeen kuwa halis ah mar kasta oo ay kubada ka soo karoosaan garbaha.

Bruno Fernandes ayaa fursadii ugu fiicneyd qeybtii hore ka qasaariyay dhamaadkii qeybta hore laakiin Newcastle ayaa heshay fursadii ugu fiicnaa 45tii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.

Joelinton ayaa labo jeer oo isku xigta birta u garaacay Manchester United jalka Callum Wilson laga diiday rigoore muran uu ku jiray.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Seddex daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta Ronaldo ayaa u muuqday mid shabaqa u soo taabtay Man United laakiin goolkiisa waxaa loo diiday inuu offside jiray ka hor inta uusan shabaqa taaban.

Daqiiqadii 50aad Ronaldo ayaa kaadhka hurdiga ku qaatay in gool kale laga diiday. Man United ayaa dareentay in kubad laad xor aheyd loo taabtay goolhaye Pope taasoo keentay in Ronaldo uu goolhayaha ka dafo islamarkaana shabaq faaruq ah dhex dhigo, laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in laadka xorta ah aan weli la tuurin.

Daqiiqadii 58aad VAR ayaa rigoore ka diiday Man United ka dib markii uu Sean Longstaff uu qalad ku galay Jadon Sancho.

Ciyaarta Man United ayaa aheyd mid aad uga fiican sidii qeybtii hore iyadoo daqiiqadii 62aad kubad uu soo karoosay Sancho ay keentay in Casemiro uu dhulka isku tuuro taabasho daciif ka dib laakiin waxaa kubada helay Antony kaasoo darbadiisa uu badbaadiyay goolhaye Pope.

Daqiiqadii 71aad tababare Erik ten Hag ayaa bedelay Cristiano Ronaldo oo u muuqday mid aan faraxsaneyn, waxaana bedelay Marcus Rashford.

Daiiqadii 87aad Man United ayaa heshay fursad dahabi aheyd oo gool loo fishay laakiin waxaa ka qasaariyay Fred. Bruno Fernandes ayaa garabka midig kubad ugu dhex bixiyay Rashford iyadoo goolhayaha Newcastle uu soo baxay, xiddiga Ingariiska ayaana kubada u dhigay Fred oo ay aheyd inuu shabaqa faaruq ah toosto balse wuu hareermariyay.

Rashford ayaa isna waqtigii dhimashada ciyaarta waxa uu Man United ka qasaariyay fursad gool loo fishay isagoo karoos loo soo dhigay kubad madax aheyd hareermariyay goolka.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

Leave a Reply