Wasiirka Beeraha oo shaaciyay Aqoonyahanno uu u kala Dirayo gobollada Dalka

0
419

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, Cabdilqaadir Iimaan Warsame, ayaa meel fagaare ah ka sheegay in khabiirada dhinaca beeraha ee wasaaraddaasi u kala dirayo gobollada dalka, si ay beeraleyda aqoonta la xidhiidha beeraha uga faa’ideeyaan.

Mar uu si gaar ah ula hadlayay aqoonyahanka wasaaradda beeraha, waxa uu faray in ay ka baxaan magaalada Hargeysa, isla markaana ay tagaan degaanada beeraleyda dalka si ay beeraleyda ula noolaadaan, isla markaana ay wax u baraan iyaguna wax uga bartaan.

 

Waxaanu yidhi.“Ka wasaarad beero ahaan waxa aanu qabanayna way yar tahay, balse waxa aanu jecelahay in aanu isku xidhkii samayno, oo aqoonta taala wasaaradda, aqoonyahanka jooga wasaaraddu ay ka soo baxaan wasaaradda, ka soo baxaan magaalada Hargeysa, bari iyo galbeedba yimaadaan, cilmigii baraan, beeralayda la noolaadaan, la joogaan, waxna baraan waxna ka bartaan,”

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili beeraleyda dalku la daala dhacayso geedka Kalidii’noolaha oo nabaadguuriyay dhulkii ay wax ka beeran jireen bulshada ku hawlan tacabka wax-soo-saarka xagga dalagyada.

Aqoonyahankan wasiirku u dirayo gobollada dalka si ay beeraleyda aqoon ugu biiriyaan ayaan la ogayn waxa ay ka tari doonaan dhibta Geedka Kaligii’noolaha ee ay kalida ku noqdeen wax ka qabashadiisa beeraleyda dalku.

 

 

Leave a Reply