Wasiirka Dastuurka Oo 6000 oo Dhallinyaro ah U Furay Barashadda Waddaniyadda iyo Shuruucda Dalka

0
179

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa xaflad soo dhawayn ah u qabatay 6000 oo dhalinyaro ah oo loo carbinayo barashadda dastuurka iyo waddaniyadda.

Dhalinyaradaas oo noqonaya dufcadii labaad ayaa ka kala socday 8deedda degmo ee ay ka kooban tahay caasimadda Hargaysa, waxaanay wax ku baran doonta Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Somaliland oo hoos tagta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha

Xaflad balaadhan oo loo qabtay dhalinyaradani oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi.

Dhalinyaradan 6000 ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, ayaa laga soo kala xulay 8 degmo ee caasimadda Hargaysa, kuwaasoo muddo saddex bilood ah la bari doono dastuurka, waddaniyadda, iyo shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxa kaloo xafladaasi soo dhawaynta ah ka soo qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, xoghayaha dawlada hoose ee Hargaysa, iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay dhalinyaradan 6000 boqol ah ee baran doona dastuurka Somaliland iyo waddaniyadda.

Waxaanu wasiirku u rejeeyay dhalinyaradaasi in ay dhamaantoodba noqfaan masuuliyiin dalka iyo dadkaba u shaqeeya, oo aqoon iyo faham u leh dastuurka dalka xeerarka iyo shuruucda ka farcama, iyo waddaniyada ba.

Waxaanu yidhi “Waxaan idinka rejaynayaa dhamaantiinba, inaad noqotaan masuuliyiin dalkoodda u shaqeeya. Waxyaabo badan oo aqoon inaad ku xaqiijisaan loo baahan yahay ayaa jira. Waxaad barateen ee wanaag ah waxaa la idiinka baahan yahay inaad bulsho weynteenna u gudbisaan”.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu faahfaahin ka bixiyay u jeedadda loo aasaasay xarunta barashadda dastuurka iyo waddaniyadda iyo muhiimadda ay u leedahay dhalinyaradda.

“U jeedadda aan u aasaasnay xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada, iyo waajibaadka wasaaradu waxay tahay, bulshadeena Somaliland in aynu barno dastuurka, shuruucda iyo waddaniyadda. In aynu ka gudubno qabyaaladda iyo qoqobka, iyo dib u dhaca, oo aynu u gudubno, soonna saarno jiil iyo dhalinyaro, aqoon u leh dastuurka iyo shuruucda, iyo in dalkeenu ka gudbo, dib u dhaca, una gudbo horumarka” ayuu yidhi wasiirku.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “3000 ee dhalinyaro ahaa, ee idinka horeeyay waxay wax ka bedeleen bulshadeenu siday maanta u nooshahay. Dadka waxay kaga duwan yihiin wixii ay xaruntan ku barteen. Waxaan idinku dar-daarayaa inaad isku kaashataan qarannimadda inaad ilaashataan”.

 

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf, oo iyadna xafladaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay dhalinyaradan la barayo dastuutka iyo waddaniyadda.

Agaasime Deeqa, ayaa tilmaantay in ardaydani ay noqonayaan dufcadii labaad, iyadoo hore ay uga qalin jebiyeen barashadda dastuurka iyo waddaniyadda  3000 oo Arday oo ay wasaaraddu isugu gaysay wixii ay tacab haysay.

“Waxaa qalin jebiyay 3000 oo Arday oo wasaaraddu isugu gaysay wixii ay tacab haysay. Idinkana wasaaradu way iskugu kiin gaynaysaa wixii tacab ah. Waxaa la idiinka baahan yahay inaad noqotaan dhalinyaro qarankooda u shaqaynaya, oo wixii ay barteen ka midho dhalinaya. Waana in aad ka duwanaataan dhalinyarada kale ee aan nasiibka u helin in ay bartaan dastuurka.

Waxaana wax lagu farxo ah in dhalinyaradiinan ka kala socda sideedda degmo caasimadda aad halkan isugu timaadaan, oo aad wax ku barataan. Waa in aqoonta aad barateen, qarankeenna uga faa’iidaysaan” ayay tidhi Deeqa Cabdi Yuusuf.

 

Leave a Reply