Taliye Xiirane oo Dhagax Dhigay Dhismeyaasha laanta Socdaalka ee Wajaale’ Goroyo-Cawl iyo Balligubadle

0
376

 

Tog-Wajaale (Dawan): Taliyaha laanta socdaalka Somaliland iyo guddoomiyaha haayadda barokaceyaasha qaranka ayaa shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo xarunta laanta socdaalka ee magaaladda Tog-Wajaale.

Dhagax dhiga dhismahaasi waxaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley, iyo guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Sidoo kale taliyaha ciidamadda laanta socdaalka Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), iyo guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha waxay isla shalay soo dhagax dhigeen dhismaha cusub ee ay laanta socdaalku ku yeelanayso tuuladda Goro-Cawl, ee gobolka Awdal.

Waxaana dhagax dhiga dhismaha xarunta Goroyo-Cawl, ku wehelinayay maayar ku-xigeenka degmadda Boorama, iyo xoghayaha dawladda hoose ee Boorama.

Dhismaha cusub ee lagu kordhinayo laanta socdaalka ee Wajaale, ayaa noqonaya tii saddexaad oo uu taliyaha laanta socdaalku dhagax dhigo, kaasoo ka kooban saddex qol oo ay leedahay laanta socdaalka, iyo dayrka lagu wareejinayo.

Sidoo kale dhagax dhiga dhismeyaashaasi waxaa masuuliyiintaasi ku wehelinayay saraakiil ka socday haayadda IOM oo iyadu maalgelinaysa dhaqaalaha ku baxa dhismeyaashaaai.

Dhulka laga dhisayo dhismahan cusub ee lagu kordhinayo laanta socdaalka Wajaale, waxaa bixisay dawladda hoose ee degmadda Tog-Wajaale.

Dhismeyaashan loo hirgelinayo laanta socdaalka ee laga kala dhisayo Wajaale, Goroyo-Cawl, iyo Baligubadle, waxaa maalgelinaysa haayadda IOM, iyadoona hawshaasi uu ka soo shaqeeyay guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland C/kariin Xinif, maadaama oo laanta socdaalka iyo haayadda qoxoontiga ay ka wada shaqeeyaan arrimaha muhaajiriinta.

Taliyaha ciidamadda laanta socdaalka Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), oo ka hadlay dhagax dhiga dhismaha xarunta Wajaale ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo hirgelinta dhismahani.

Waxaanu yidhi “Wixii waxqabad ah ee qaranka ama laanta socdaalka loo soo kordhinayo, waanu soo dhawaynaynaa. Waana muhiim in la balaadhiyo xarunta laanta socdaalka Tog-Wajaale, maadaama oo ay ku taallo xuduudka”.

Geesta kale badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo in la xoojiyo hawlaha shaqo iyo dhismaha laanta socdaalka ee Wajaale.

“Waan soo dhawaynayaa in la kordhiyo dhismaha laanta socdaalka, iyo haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha. Degmadda Wajaale, waa degmo xuduudeed, muhiim ayay u tahay in laanta socdaalka la xoojiyo, iyo haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha ba. Iyadoo Wajaale ay tahay halka qoxoontiga ugu badani ay dalkeenna ka soo galaan” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Dhinaca kale taliyaha ciidamadda laanta socdaalka Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), iyo guddoomiyaha haayadda qoxoontiga C/kariin Xinif, waxay Sabtidii doraad soo dhagax dhigeen dhismaha cusub ee qy laanta scodaalku ku yeelanayso magaaladda Bali-gubadle ee gobolka Hawd.

Dhagax dhiga xaruntaasi waxaa masuuliyiintani ku wehelinayay badhasaabka gobolka Hawd, maayarka Baligubadle, iyo xubno ka tirsan golaha degaanka degmadda Baligubadle.

Kadib dhagax dhiga xaruntaasi ayaa taliye Xiirane, iyo guddoomiye Xinif, waxay kormeer ku soo mareen magaaladda Ina-Guuxaa, oo ka tirsan gobolka Hawd, iyo degaamadda ku teedsan xuduudka Somaliland iyo Itoobiya.

 

 

Leave a Reply