“Golayaasha Degaanku waxay wax idiin Qabanayaan markaad Waajibkiina ka soo baxdaa”Mudane Saylici.

0
275

Hargeysa (Dawan) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bulshada Somaliland ku wargeliyay in ay golayaasha degaanka ee ay doorteen ay u qabanayaan adeegyadii ay ka sugayeen marka ay cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa bixiyay cashuurtii ku waajibtay waxaanu bulshada ugu baaqay in u dhaga nuglaadaan bixinta cashuuraha ku waajibay.

Waxaanu yidhi.“Waxaan halkan oo ah xafiiska dawladda hoose ee degmada Ibraahim Koodbuur aan u imid in aan bixiyo cashuurtii igu waajibtay, ee dawlada hoose igu lahayd ee sannadlaha ahayd ee la yidhaahdo, ardiyada.

Bulshada waxa loo baahanyahay in ay fahmaan Ardiyada waxay tahay, waa cashuur oo qofkasta oo muwaadin ah oo magaalada Hargeysa degan lagu leeyahay, in uu bixiyo sannadkii hal mar Ardiyadaasi.

Aniga oo faylkayga sita ayaan imid waxaan la maray nidaamkii la marayay, waxaan idhi waxaan bixinayaa Ardiyadaydii guri ee la igulahaa, qiimayn ayaa la sameeyay.

waxaan leeyahay bulshada iyo madaxda reer Somaliland waar cashuurtu waa waxa dalka iyo dadka lagu dhiso, waa waxa Qaranku ku qurux badnaado, waa waxa magaalooyinka aan ku noolahay ku qurux badnaanayaan ee lagu dhisayo.

Golayaashi degaanka ee aad doorateen waxay wixii aad ka rabteen idiin qaban karaan marka aad idinku ka soo baxdaan waajibkii aad lahaydeen, isla markaana aad cashuurta idinku waajibtay aad bixisaan”

Leave a Reply