Nuxurka kulan Dhexmaray madaxda iyo masuuliyiinta Dawladda hooe ee Hargeysa

0
265

Hargeysa (Dawan) – Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa shir guddoomiyay shirka guddoomiyayaasha iyo agaasime waaxeedyada kala duwan ee dawladda hoose, kaas oo lagaga tashado hawl socodsiinta shaqada bulshada loo hayo.

Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa ku booriyay guddoomiyayaasha degmooyinka iyo agaasimayaasha waaxyaha sida hagar la’aanta ah ee bulshadooda ugu adeegaan.

Kulanada noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu gorfeeya hadba sidii loo socodsiinlahaa hawlaha iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada ku nool caasimadu ay ka sugayaan, hawl wadeenada dawladda hoose.

Madaxda iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Hargeysa, ayaa inta badan sidan oo kale isugu yimaada markasta kulano ay kaga tashanayaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee caasimada.

Leave a Reply