Xiddiga Weyn oo Erik Ten Hag uu ku Dulmiyayo Man United oo la Magacaabay

0
266

Erik ten Hag ayaa lagu eedeeyey in uu ixtiraam-darro ku hayo xiddig weyn oo Manchester United ah, kaas oo uu waliba ku sameeyey beddel sii muujiyey in aanu haba-yaraatee wax xushmad ah u haynin kulankii Axaddii ee Newcastle United.

Manchester United oo uu dhaawac kaga maqan yahay Anthony Martial ayaa waxa weerarka ugu soo bilowday Cristiano Ronaldo kulankii barbarraha goolal la’aanta ah ku dhamaaday Axaddii ee ay Newcastle kusoo dhoweeyeen Old Trafford, waxaase uu xiddiga reer Portugal lumiyey laba fursadood oo goolal noqon karayay ka hor intii aan lagu beddelin Marcus Rashford dhamaadka  ciyaarta oo ay 18 daqiiqadood ka hadhsan tahay.

Cristiano Ronaldo ayaa ka cadhooday beddelka lagu sameeyey, waxayse kooxdiisu daqiiqadihii ugu dambeeyey heshay laba fursadood oo dahabi ahaa oo ay ka khasaariyeen Marcus Rashford iyo Fred.

Halyeygii Manchester United ee Louis Saha ayaa su’aal ka keenay sababta Ronaldo loo beddelay iyadoo aanay jirin cid kaga wanaagsan gool-dhalinta xilli kooxdu raadinaysay inay goolal hesho, waxaana uu ku eedeeyey Erik ten Hag in uu ixtiraam-darro u muujinayo goolhayahan.

Louis Saha ayaa oo la hadlayay saxaafadda ayaa yidhi: “Ronaldo waxa lagu hayaa ixtiraam-darro. Anigu waan kasoo horjeedaa sida uu Ten Hag u maamulayo kooxda.

“Waan fahmi karayaa sababta uu Ronaldo uga cadhooday beddelka lagu sameeyey kulankii Newcastle sababtoo ah waxa uu kalsooni ku qabaa naftiisa iyo inuu goolal dhalinayo.”

Leave a Reply