Shiinaha oo lacag Farabadan Siinaya Duuliyeyaashii Hore ee Milatariga Ingiriiska

0
542

Hargeysa (Dawan) Waxa la sheegay in duuliyeyaashii hore ee milatariga Ingiriiska uu Shiinuhu lacag badan ugu carrab laalaadinayo si uu khibraddooda ugu faa’iidaysto milatariga Shiinaha.

Ilaa 30 duuliye oo hore uga tirsanaa milatariga Ingiriiska ayaa u tagay Shiinaha si ay u tababaraan ciidamada dalkaas.

Ingiriiska ayaa haatan soo saaray digniin ka soo baxday sirdoonka dalkaas oo duuliyeyaasha looga digayo in ay u shaqo tagaan milateriga Shiinaha.

Saraakiil reer Galbeed ah ayaa sheegay in ay socdeen, ayna sii badanayaan isku dayada lagu kaxaysanayo duuliyeyaasha.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in tababarrada duuliyeyaasha la shaqaalaysiinayo aanay xadgudub ku ahayn sharciga Ingiriiska u yaalla laakiin, Ingiiirka iyo dalalka kale ay isku dayeyaan in ay howlahaas joojiyaan.

“Waa shaqo macaash badan ay ku helayaan dadka la qaadanayo,” ayuu yidhi sarkaal reer Galbeed ah oo hadlay. Wuxuu intaa ku daray in “lacagtu ay tahay waxa ugu weyn ee dadkaas lagu duufsanayo.”

Mushaarka loo soo bandhigo ayaa loo malaynayaa in uu gaadhayo ilaa £237,911 oo u dhiganta $270,000.

Leave a Reply